Beesha Caalamka oo War ka Soo saartay doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho (aftahannews):- Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageerta, ayaa War-murtiyeed ay Jimcihii soo saareen waxay ku sheegeen iney ka warhayaan in doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya qiyaastii kala badh ay qabsoontay, isla markaana loo baahan yahay in la saxo qaladaadka jira.

Waxay soo jeediyeen in iyada oo la raacayo habraaca si dhexdhexaad ah oo daah-furan qaladaadka jira, si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeeda.

Warka qoraalka ah ee soo saareen Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa waxaa dhammaan Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, islamarkaana la xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed oo kale.

“Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo  ee geeddi-socodka doorashada.” sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka Beesha Caalamka kasoo baxay.

Beesha caalamka, ayaa sidoo kale ku celisay walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda Haweenka ee Baarlamaanka aan la gaadhsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin deg deg ah lagu saxo kuraasta harsan ee Golaha Shacabka.

Warkan ka soo baxay Saaxiibbada Soomaaliya ee Baasha Caalamka, ayaa imanaya xili doorashada kuraasta Golaha Shacabku ay si dardar leh uga socoto deegaannada maamul-goboleedyada dalka, isla markaana waqtigii loogu talogalay in la soo gebagabeeyo ay ku beegan 25ka bishan February 2022ka.