Britain oo Sheegtay inay Tixgelinayso Haddii 100,000 oo reer Somaliland ahi Aqoonsiga ka Dalbadaan 

London (aftahannews):- Dawladda Britain, ayaa Shuruud fudud ku xidhay in si rasmi Dood looga furo Aqoonsi ay Siiso Jahmuuriyadda Somaliland.

Dawladda Ingiriiska, ayaa ka soo jawaabtay codsi ay u gudbiyeen dhawaan Muwaaddiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo ku codsanayey in Somaliland aqoonsi ka hesho dawladda Boqortooyada Britain.

In ka badan 10 kun oo qof oo reer Somaliland ah oo saxeexay dalab (Petition) lagu doonayey aqoonsi ay hesho Somaliland, ayaa waxa ka soo jawaabtay xafiiska arrimaha dibedda iyo Barwaaqo sooranka ee Ingiriiska.

Warka Xafiisku soo saaray, wuxu intaas ku daray in ay qiimeeyeen codsiga loo soo gudbiyey ee lagu dalbanayey aqoonsiga Somaliland, waxaanay sheegeen in ay Somaliland ula macaamilaan si toos ah oo uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsani, balse aanay u aqoonsan weli dal madax bannaan.

Xafiiska Foreign Commonwealth Office (FCO), waxa uu ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in Somaliland iyo Somalia sii wadaan wada hadalladooda si ay mustaqbalkooda go’aan uga gaadhaan.

Dawladda Ingiriisku waxa kale oo ay xustay in haddii la helo dadka gaadhaya 100.000 oo qof oo reer Somaliland ah oo saxeexa dalab lagu doonayo aqoonsiga Somaliland in markaa la tix gelin doono oo ay dawladda ku cadaadin doonto in dood rasmi ah oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland laga furi doono Baarlamaanka Ingiriiska.

18ka bishii January 2022 ayey ahayd markii Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Britain ay dood ka yeesheen qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay Mudanayaashu ku doodeen in la joogo xilligii ay UK iyo Beesha Caalamkuba aqoonsan lahaayeen Somaliland oo ay sheegeen inay tahay meel nabad ah oo buuxisay dhammaan shuruudihii dowladnimo.