Itoobiya oo lagu eedeeyey inay si Arxan-darro ah ula dhaqanto Maxaabiista Siyaasadda ugu Xidhan

Addis Ababa (aftahannews):- Dawladda Federaalka Itoobiya,  ayaa lagu eedeeyey in ay sii waddo jidh-dilka iyo in ay si naxariis la’aan ah ula dhaqanto dadka u xidhan, gaar ahaan siyaasiyiinta oo ay jeelasha uga dhigtay meel lagu qiaabo.

Xisbiga Oromada ee OLF, ayaa sheegay, in xukuumadda talada haysa iyo xisbigeedu ay si arxan-darro ah ula dhaqmayaan hoggaamiyeyaasha xisbiga OLF ee u xidhan, kuwaasoo toddobaadkii ugu dambeeyey ka soomay cuntada.

War-saxaafadeed uu xisbiga OLF soo saaray maanta ayaa waxa kale oo uu ku sheegay, in hoggaamiyeyaashooda si sharci-darro ah ay muddo dheer ugu xidhan yihiin jeelal ku yaalla deegaanka Oromia ee ku xeeran magaalada Addis Ababa, kuwaas oo ay ka digeen xaaladdooda caafimaad oo kasii daraysa, iyadoo loo diiday qoysaska iyo ehelladuna in ay booqdaan.

Madaxda Xisbiga Jabhadda Xoraynta Oromada ee xidhan waxaa ka mid ah; Mikael Boren, Kenessa Ayana, Dawit Abdeta, Lemi Begna, Geda Gabisa iyo Bate Urgessa, waxaanay ku kala xidhan yihiin magaalooyin kala duwan, sida Mojo, Awash Melkasa, Gelan, Sebeta iyo Burayu.

Lammi oo ka mid ah madaxda xisbiga OLF ayaa sheegay in xubnahan qaarkood ay ku xidhan yihiin meelo cidlo ah, sida xerada ciidanka gaarka ah ee Oromada ee lagu magacaabo Sololiya ee magaalada Gelan, ayna ku nool yihiin xaalad adag oo xataa loo diiday in qoysaskoodu ay booqdaan.

27 xubnood oo kale oo ka tirsan xisbiga ayaa ku xidhan saldhigga booliska ee Sebeta, waxaana sidoo kale ku xidhan isla halkaas saddex wariye oo ka tirsan telefishanka Oromo News Network oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey cuntada joojiyey.