Taiwan iyo Somaliland oo Difaacay Xidhiidhkooda iyo Qaddiyadda ay wadaagaan

Taipe (aftahannews):- Dowladaha Somaliland iyo Taiwan, ayaa si wada-jir ah u difaacay xidhiidhka ka dhexeeya maadama oo ay yihiin labada waddan oo madax-bannaan, xaqna u leh inay xidhiidho la sameeyaan dalalka caalamka.

Labada xukuumadood ee Somaliland iyo Taiwan, waxa ay si wada-jir ah uga jawaabeen hadal maanta ka soo yeedhay wasaaradda Arrimaba Dibadda ee Shiinaha oo cambaareeyey Socdaalka weftiga Somaliland ku joogaan Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr Ciise Kayd oo isaga iyo wefti wasiirro ah oo uu hoggaaminayo xilligan ku sugan yihiin dalka Taiwan, ayaa ka dareen-celiyey tallaabo kasta oo Shiinuhu kaga soo horjeedo xidhiidhka u dhexeeya labada waddan.

“Qaran ahaan, Somaliland waxay xaq u leedahay inay si nabad ah oo saaxiibtinimo leh xidhiidh ula yeelato dhammaan dawladaha kale ee caalamka,” sidaa waxa yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxaanu dedafeeyey tallaabooyinka lagaga soo horjeedo xidhiidhka labada waddan ee ka imanaya dhinaca dalweynaha Shiinaha.

Wasiirka oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Dhammaan tallaabooyinka hanjabaada ah ee lagu diidayo xidhiidh noocan oo kale ah ee ka dhexeeya saaxiibbada caalamku kaliya maaha inay ka dhigan tahay mid meel-ka-dhac ku ah mabaadi’da guud iyo qawaaniinta uu nidaamka caalamiga ahi ku salaysan yahay, laakiin waxay ka hor imanaysaa dedaallada loogu jiro kor-u-qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka iyo duniduba u baahan yihiin.”

Madaxweynaha Taiwan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Madaxweynaha Taiwan oo dhankeeda guul taariikhi ah ku tilmaantay xidhiidhka Somaliland oo ay xustay inuu furo u noqonayo wada-shaqaynta dalkeeda iyo suuqyada qaaradda Afrika oo qayb ka ah barnaamij dowladda Taiwan bilowday sannadkii 2017-kii, kaas oo kor loogu qaadayo xidhiidhada ganacsi ee Afrika iyo Taiwan.

Dhinaca kale, afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian, ayaa cambaareysay socdaalka weftiga Somaliland ee Taiwan, waxaanay ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Tsai inay colaad hurinayso isla markaana ay wiiqeyso madax-banaanida iyo sharafta wadamada kale.

“Tani cidna faa’iido uma laha, iyada uunbaa wax isyeelaysa,” Sidaas ayay tidhi afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha oo u hanjabaysay madaxweynaha Taiwan.

Shiinaha ayaa dhawaan xidhiidhka u jaray dalka Lithuania ee qaaradda Yurub oo xidhiidh dublomasiyeed la sameeyey Taiwan, waxaanay taasi beddelkeeda ay xukuumadda Taipei ugu abaal-gudayso maalgeshi dhan $200 Milyan oo lagu taageereeyo wershadaha dalka Lithuania.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Essa Key oo ay weheliyaan Wasiirrada Maaliyadda, Qorsheynta Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Taiwan, waxaanu wasiirku kulanka ku soo bandhigay fursadaha maalgeshi iyo kheyraadka dihin ee Somaliland, waxaanu dowladda iyo Shirkadaha dalka Taiwan ugu baaqay inay maal-gashaan kheyraadka Somaliland.

Weftiga Wasiirrada Somaliland oo shalay gaadhay dalka Taiwan, ayaa safarkoodu qaadan doonaa ilaa Sabtida toddobaadka soo socda, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan masuuliyiinta u sareysa shirkadda shidaalka ee CPC oo ay leedahay dowladda Taiwan.

Somaliland iyo Taiwan oo lagu tilmaamo dowlado iskood u hirgeliyey nidaam dowladeed oo shaqaynaya, balse aan aqoonsi ka haysan Qaramada Midoobay, ayaa markii u horeysay xidhiidhkoodu bannaanka u soo baxay, kaddib markii labada waddan isweydaarsadeen xafiisyo wakiil ka noqonaya danaha labada waddan oo badhtamaha sannadkii 2020-kii laga furay magaalooyinka Hargeysa iyo Taipei.

Dowladda Taiwan ayaa ka taageerta Somaliland dhinacyada waxbarashada, Beeraha, Caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, waxaanay dhawaan soo gaadhsiiyeen gargaar caafimaad kaddib markii ay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkii hore soo caga-dhigatay diyaarad sidday in ka badan 150,000 Xidhmo oo ah tallaalka Covid-19 ee Madgen oo lagu farsameeyey Gudaha Dalka Taiwan.

Xigasho Somalilandpost.net