Faysal Cali Waraabe oo Madaxweyne Biixi Digniin iyo Eedayn u jeediyey

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland usoo jeediyay in uu ilaaliyo sharciga, isagoo madaxweyne Biixi ku eedeeyay in  uu sharciga ka leexday.

Faysal ayaa sheegay in Somaliland lagu ma jeerto dimuquraadiyada, isla markaana ay hada haysato fursad fiican oo ay aqoonsi ku heli karto,  ayna u baahantahay in wadada wanaagsan lagu wado.

“Madaxweynaha waxan leeyahay Somaliland fursad fiican ayay leedahay, waxaynu iibin jirnay ee aynu adduunka caan kaga noqonay, ee aynu geeska caan kaga noqonay waxay ahayd, dimuquraadiyad, distoor la ilaaliyo, wada tashi, kusoo noqaan ku leeyahay wadadii wanaagsanayd” ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu sharcigii ka leexday, isla markaana aanu bulshada la wadaagin xogta safarada uu ku tako wadamada dibada.

“Waxaa hada muuqata in aad distoorkiina ka leexaday, wadatashigiina ka leexatay, m ogin safaradaadii waxay ku saabsanaayeen, xaq baanu u leenahay in aanu ogaano dalka waxa ka socda” ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in wadatashigu muhiim yahay si Somaliland u wanaagsanaato “Hadaynu kala tashano dalku sidaa ku fiicnaan maayo, waa in aad talada dhulka dhigtaa”.