Gabadh Soomaali ah oo Ilhaan Cumar Kursigeeda kula Loolameysa

Washington (Aftahannews)- Gabadh Soomaali ah oo muddo dheer ka tirsaneyd ciidamada Mareykanka, ayaa ku biirtay xisbiga Jamhuuriga iyadoo dooneysa in ay dhuunta u gasho Ilhaam Cumar oo ah Xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doorto Minnesota .

Gabadhan, ayaa ku sheegtay Ilhaan in aanay ka warqabin baahida dadka ay matasho oo ay ku jirto in ay wax ka qabato falalka dembiyada ee ka dillaacay Minneapolis.

‘’ Minneapolis haatan waxay la kulmeysaa sanadihii ugu rabshadaha badnaa waxaana magalada hadheeyey kooxo dilayaal ah ‘’ ayay tidhi Shukri Cabdiraxmaan oo muhsharixii shanaad ee degmadaas iska soo sharraxa.

Shukri C/raxmaan oo ah gabadh muslim ah oo hore uga tirsaneyd ciidamada ahna hooyo saddex carruur ah haysata, ayaa shaaca ka qaaday ololaheeda mushaxnimo ee Jamhuuriga.

Gabadhan, ayaa raadinaysa kursiga shanaad ee kongareeska ee degmadaas ku taalla Mareykanka in ay la degto Ilhaan Cumar oo haatan heysata kursiga Kongareeska ee degmadaa ‘’ waxay iila muuqataa in aanay u heynin matalaadda dadka halkan ‘’ ayay na tidhi iyadoo ka hadleysa Ilhaan Cumar.