Madaxweynaha Somaliland oo la Kulmay Wakiilka Cusub ee Britain Soo Magacawday

Hargeysa (aftahannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabbiley Wakiilka cusub ee Dowladda Britain dhawaan u soo magacawday Somaliland Marwo Lizzie Walker oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare oo ka socda xafiiska UK ku  leedahay Hargeysa.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u qornaa sidatsn:- “Kulankan oo ujeedkiisu daarranaa soo dhawayn uu madaxweynuhu ku qaabiley wakiilka cusub ayaa madaxweynuhu xog buuxda ka siiyey horumarka iyo himilada qaranka Somaliland uu gaadhay, waxaanu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska iyo Baarlamaankeedaba dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen inay dareenkooda madax-bannaanida Somaliland la wadaagaan Beesha Caalamka kagana doodaan xarunta baarlamaanka dalkaasi, taas oo uu madaxweynuhu xusay inay shacbiga Somaliland-na kaga jawaabeen dareen saaxibtinimo oo salka ku haya xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dhinaceeda, Wakiilku waxa ay xustay inay la dhacsan tahay dedaalka horumarineed iyo Dimuquraaddiyadeed ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay in adduunku maanta indhaha ku hayo horumarka iyo wanaagga Somaliland ka socda.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada Somaliland.