Raysal-wasaaraha Itoobiya oo lagu Soo Dhaweeyey Jigjiga iyo ujeeddadiisa

Jig-jiga (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiyi Axmed iyo Wafti uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida si uu bulshada deegaanka ugala qayb-qaato xaaladda abaarta ee soo food saartay.

Masuuliyiin sare oo uu hoggaaminayo, Raysal Wasaaraha Dalka, Dr. Abiyi Axmed Cali ayaa lagusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal.

Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan Afhayeenka Golaha Xildhibaannada, Marwo Ayaan Cabdi, Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida iyo masuuliyiin sare oo heer Deegaan ah ayaa garoonka si diirran ugu qaabillay Raysal Wasaare Dr. Abiyi Ahmed iyo masuuliyiinta uu hoggaaminayo.

Raysal-wasaaraha, ayaa goor-dhow booqasho ku gaadhi doona duleedka degmada Qabri-bayax oo ay ku suganyihiin bulshooyin ay saamaysay xaaladda abaarta oo kasoo doolay goobahoodii.