Somaliland: Askar Wacdaro Muujiyay oo Boolisku Dallacsiiyey

Hargeysa (aftahannews):- Ciidanka Booliiska Somaliland Gen: Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa dalacsiiyay 5 Askari oo muuqaalladoodu baraha bulshada ku baaheen, iyagoo la dabaaldegaya Bulshada bannaanbaxyadii lagu taageerayay dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

 

ASKARTA LA DALLACSIIYEY EE SOMALILAND
ASKARTA LA DALLACSIIYEY EE SOMALILAND

Askarta kala ah K/k Cabdirashiid Jaamac Cawad, L/Ale Sagal Cabdillaahi Xuseen, L/Ale Ayaan Baashe Maxamuud, L/Ale Cabdi Asker Mahamed iyo D/le Mukhtaar Ibraahim Jabrill, ayaa la abaal mariyay ka dib markii la arkay iyaga oo qoob ka ciyaar la ciyaaraya dadwaynihii kasoo qayb galay bannaanbaxa, iyagoo sidoo kale nabadda ilaalinaya.

“Ciidankan ayuu Taliyuhu dalacsiiyay min hal darajo marka laga reebo K/k 5638 Cabdirashiid Jaamac Cawad oo uu dalacsiiyay laba derajo.” ayaa lagu yidhi war qoraal ah Booliisku soo saaray caawa.

Ciidankan, ayaa ka tirsanaa qaybta galbeedka Hargeysa, gaar ahaan Saldhigga dhexe, halka hal gabadhna ka tirsan tahay Ciidanka Dawalada Hoose ee Hargeysa,  sida qoraalka Booliska lagu sheegay.