Nuxurka Doodda Aqoonsiga Somaliland ee Xildhibaannada Baarlamaanka UK iyo Jawaabta Dowladdooda

London(aftahannews):- Xildibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Briain, ayaa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhiabannada, ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay Xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Mudane Gavin, ayaa waxaa uu Baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga arrima badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland. Xildhiabanka ayaa intaa ku daray in xaqiiqada aan la iska indha tirin islamarkana aysan dowladda Britain ku qaadan muddo dheer oo kale in ay sugto aqoonsiga Somaaliland.

“Runtii haddeynu nahay siyaasiyiinta golahan waxaan u baahannahay inaan arrintan hoggaamin ka muujinnaa, waxaan u baahannahay saaxibbadeen soomlailand inaan u muujinno inaan diyaar u nahay inaan difaacno sida ay iyaguba noo difaaceen, marka xitaa haddii aanu ka soo bixi karin dhammaan ballan-qaadyada caynkaas ah waxaanu jecelnahay in aanu niraahno, xataa haddii aynaan odhan karin Somaliland Ayaan imnkaba aqoonsaneynaa,waxaan u baahannahay inaan fadhiisanno oo aan ka tashanno sidii tallaabbooyinka xiga aan u sii ambaqaadi lahayn” ayuu yidhi Gavin.

Xildibaan Gavin, ayaa intaa ku daray in aysan habooneyn in dowoladda Uk ay sugto 30 sano oo kale islamarkana la joogi xilligii xaqiiqooyiinka la wajihi lahaa, waxaanu yidhi; “Ma dooneyno inaan sugno 30 sano oo kale xaqiiqooyinka jira markaan eegno si loo helo Jiritaanka Somaliland madax-banaan, sababtoo ah ma aha oo keli ah inaan ka sugno qofka xafiiska arrimaha dibadda jooga, waa inaan xaqiiqooyinkaasi ka jawaabnaa, waxaan u baahannahay inaan hoggaaminno siyaasadaheenna arrimaha dibadda, waxaan u baahannahay saaxibbadeenna Somaliland inaan u muujinno inaan iyaga u guntannahay garabna aan u nahay.”

“Haddii aynu nidhaa Somaliland iyo Somalia iyagu arrimohooda ha dhammaystaan. Waxa aynu go’aanka kama dambaysta ah iyo awoodda oo dhan gacanta u galimlnaynnaa, waddan aanay ka jirin nidaam doorashooyin oo xor ah (Somalia). Waddan aan lahayn nidaam sharci dajineed iyo mid caddaaladeed. Haddii aynu sidaa yeelno, si toos ah ayaynu u dhiiri galinaynnaa dawlad xumada. Kuwii iyagu dawlad wanaagga samaystay ee horumarka iyo qiyamka wanaagsan la yimi, oo ay ahayd in aynu garab istaagnana, waynu dabraynnaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Gavin Williamsin.

Xildhibaan Kerry McCarthy oo ka mid ahayd Xildhiabanadii dooddaasi ka qeybgalay ayaa dhankeeda sheegtay in soomaaliland ay hormar badan sameysay islamarkana ay muujiyeen karti ay dal madaxbanaan ku dhisi karaan lana joogo xilligii dal madaxbanan loo aqoonsan lahaa.

“Waxaan arkayna sanadkii aanu soo dhaafnay Somaliland oo u dabaal dagaysa 30 sano guuradii ka soo wareegtay marki ay gooni isu taaga ku dhawaaqeen, waxay dhiseen dowladooda madaxa banaan , lacag u goni ah iyo qabashada doorasho dimuqraadiyad ku dhisan , waxay muujiyeen awoodda ay u leeyihiin in ay dal dhisaan, soo lama joogi xilligii dowladda UK ay aqoonsan lahayd xaqa ay u leyihiin in ay aayahooda ka tashadaan islamarkana la aqoonsan lahaa baahida ay u qabaan in ay noqdaan dal madax-banaan” ayay tidhi Mrs Kerry.

“Sida xildhibaannadii hadalka iiga horreeyayba sheegeen. Somaliland waa nal dimuqraadiyadeed oo aan ku koobnayn geeska Afrika, laakiin Afrika oo dhan ka dhex iftiimaya. Doorashada uu xildhibaanku (Gavin Williamson) carrabka ku dhuftay ee 2003. Waxa madaxwaynennimada lagula kala wareegay 80 cod. Dooashadii dhawayd ee Maraykanka, haddii Donald Trump lagaga heli lahaa farqi u dhigma 80 kaa cod, dhibta ka dhalataa in ay mid si sahlan u dhammaata noqon lahayd uma malaynayo.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Kerry McCarthy.

Xildibaan Rushanara Ali oo ka mid ah Xildhibaannada halkaas ka hadlay, ayaa ku doodday in Britian aanay shuruudda ay Somaliland ku xidhayso oo kale ku xidhin markii Bangladesh ka go’day Pakistan.

“Waxaan doonayaa in aan tusaale usoo qaato waddankii aan ku dhashay ee Bangladesh. Dawladdii Ingiriiska ee markaa jirtay waxa ay si toos ah u taageertay gooni isu taagga waddankii aan ku dhashay ee Bangaldesh oo markaa hagankiisii madax bannaanida kula jiray waddanka Pakistan.”

“Dawladda Ingiriisku may odhan Pakistan ha go’aamiso gooni isu taagga Bangaladesh. Wasiirku miyaanu arkayn wax lala yaabo in ay tahay taa caksigeeda in immika la qaato, oo la yidhaa Somaliland iyo Somalia iyagu ha dhammaystaan hawlohooga.” Sidaa ayey tidhi Xildhibaan Rushanara Ali.
Wasiiru-dowlaha UK u qaabbilsan Yurub Chris Heaton-Harris oo dhanka dowladda u hadlayay islamarkana ku sugnaa aqalka baarlamaanka ayaa dhankiisa su’aalo laga waydiiyay mowqifka dowladda ee ku wahajhan soomaaliland, waxaanu yidhi; “Mowqifka dowladda UK ay arrintan ka qabto wuxuu aha mid joogta ah waxna iskama badalin,waxaan muddo dheer dhiirragelineynay wadahadallad ay arrintan ka yeeshaan mas’uuliyiinta labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa xiriirka mustqbalka labada dhinac ka dhaxeyn karo, waana sidii wadeynaa inaan sidaa sameyn.”
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabbilsan dawladda Ingiriiska Vicky Ford, ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland waxaa ayna sheegtay in mowqifka UK ee ku wajahan uu yahay mid cad islamarkana ay dowladda federaalka iyo Somaaliland ay u taallo in mustaqbalkooda ay ka arrinsadaan .
“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay ku tidhi qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.
Madaxwaynaha jumhuuriyadda iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland Muushe Biixi Cabdi ayaa dhankiisa uga mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson dooda uu geeyay aqalka baarlamaanka.
Geesta kale,Qoraal uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi xalay ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ayuu ku bogaadiyey Xildhibaanka dooddan soo abaabulay, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi: “Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamsonsida aad u hoggaamineyso doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa rajeynayaa inay ku dhageysan doonaan dowladdaada iyo xildhibaannada kale ee Baarlamaanka.”
Somaliland, ayaa Britain xornimada ka qaadatay 26 June 1960-kii, shan maalmood ka dib 1-dii Lulyo 1960-kii ayey la midawday Soomaalidii Talyaaniga ka xorowday maalintaas, waxaanay midnimadaasi burburtay 30 sano ka dib markii Jabhaddii SNM ay dagaal qadhaadh la gashay dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya. Waxaanay Somaliland gooni-isu-taaggeeda ku dhawaaqday 18-kii May 1991-kii. Waxaanay 30 sano oo ay jirtay raadinaysaa aqoonsi ay dunida ka hesho, iyadoo buuxisay inta badan shuruudihii dowladnimo.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.