Madaxweyne Biixi oo ka Hadlay Doodda Aqoonsiga Somaliland ee Baarlamaanka UK

Addis Ababa (aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda SomalilandMuuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal mahad celin ah u diray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Britain oo Aqalkaas hor geeyay mooshin ku saabsan aqoonsiga gooni isutaagga Somaliland.

Qoraal uu Madaxweyne Muuse Biixi soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi: “Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamsonsida aad u hoggaamineyso doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa rajeynayaa inay ku dhageysan doonaan dowladdaada iyo xildhibaannada kale ee Baarlamaanka.

“Dhammaan dadka reer Somaliland ee gudaha iyo dibaddaba waxay sugayaan hammigan xaqa loo leeyahay.” ayuu yidhi Biixi.

Hadalka Madaxweyne Biixi, ayaa yimid xilli ay caawa Baarlamaanka UK billaabeen dhageysiga doodda aqoonsiga Somaliland.