2021-ka: Su’aalihii Ugu Adkaa Ee La Waydiiyey Shirkadda Google Boggeedda Internet-ka

Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaaday liiska qaar ka mid ah su’aalihii ay dadka weyddiyeen boggeeda Internet-ka, arrimahan oo muujinaya sida ay xaaladdu ahayd sannadkii tagey ee 2021-ka.

Shirkadda weyn ee bixisa adeegyada teknoolajiyadaa ayaa ah goobta ugu caansan ee bixisa jawaabta su’aal kasta oo ay dadka weydiyaan iyo mowduucyada kale ay dadka xiiseeyaan si ay wax uga ogaadaan.

Sannad adag: Markii uu cudurka Karona ku baahay dunida oo la galay sannadkii 2021-ka, dadka waxay weyddinayeen Google ereyga ‘doomscrolling’, oo ah kelmed Ingiriisi ah oo macnaheedu yahay “in la arkayo war aan fiicnayn”.

Shirkadda Google ayaa sheegaysa in la weeydiyay kelmadda ‘doomscrolling’ marar badan marka loo barbardhigo sanadihii hore, dad badan ayaa kelmadda ka baadhayay Google, bishii January ayaa ugu sarreysay.

Dunida waxaa sannadkii la soo dhaafay si ba’an u saameeyay Covid-19, jawhareer iyo hubaanti la’aan ayaa ka dhashay, dalalka waxay xidheen xudduudaha, waxaana hakad galay duulimaadyada, dalalka waxay ku dhawaaqeen bandow looga hortaggayo fiditaanka cudurka.

Dadka waxay ku wada jireen internetka iyagoo xog ka raadinaya halkaas.

Walaaca dhanka xanuunka dhimirka

Sannadkii 2021-ka, waxay dadka weyddinayeen kelmada ‘caafimaadka dhimirka’ kadib kalinimadii iyo muragadii ka dhalatay xayiraadda covid-19, dadka qaar wuxuu cudurka ka dilay xubnaha qoyskooda.

Dadka adduunka ku nool waxay wayddiinayeen Google ‘sida loo daweeyo burooyinka maskaxda’ in ka badan sidii hore.

Isbeddellada cimilada: Dadka arrimaha caafimaadka kaliya ah ma aysan wayddineynin Google balse waxay sidoo kale weydinayeen saameynta ka dhalatay isbaddallada cimilada sida duufaannada iyo dabka baabi’iyay keymo ku yaalla dunida.

Marka loo eego xogta Google-ka, dadka waxay weeydinayeen sida loogu noolaan karo duni nadiif ah abid.

Dadka deggan magaalooyinka iyo buuraha waxay raadiyeen macluumaad ku saabsan ‘saamaynta isbeddelka cimilada’ marka loo barbardhigo sanadihii hore.

Waxyaabaha ay dadka si weyn uga raadinayeen Google waxaa kamid ah xogta la xidhiidh jasiiradda Fiji oo uu si xun u saameeyay isbeddelka cimilada.

Arrimaha dhaqaalaha:Dadka waxay inta badan ka walaacsanayeen shaqadooda iyo dhaqaalahooda kadib jahwareeka dhaqaale ee uu sababay cudurka Karoona.

Sannadkii 2021-ka, dadka waxay weydinayeen Google, “sida loo bilaabi karo xirfad cusub” iyo “qaababka shaqo loo heli karo”

Dalka Mareykanka oo kaliya, in ka badan afar milyan oo qof ayaa shaqooyinkoodii waayay bishii Oktoobar, sida lagu sheegay xog laga helay waaxda shaqada ee dalkaas.

Kadib saameyntii dhaqaale ee ka dhalatay safmarka covid-19, dadka waxay bilaabeen in si taxaddar leh ay u darsaan sidii ay u baddalan lahaayeen xirfadahooda shaqo.