Boqor Buurmadow Oo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Ka Raaligeliyey Raafkii Shacabkiisa Kula Kacday Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Muqdisho (Aftahannews)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa gaadhay magaalada  Baydhabo ee caasimada maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, si uu raali gali uga bixiyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland ciideeda kaga saartay dadka reer Koonfur-galdeed.
Boqorka iyo madax dhaqameed la socda ayaa Madaxwaynaha Koonfur-galeed Cabdicadiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo saraakiil sar sare oo maamulkaa ka tirsan kula kulmay madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Koonfur-galbeed Maxamed Abukar Cabdi, oo ka warbixiyay socdaalka waftiga ayaa sheegay in boqorka socdaalkiisu uu la xidhiidho raafkii ay xukuumada Somaliland gobolo Somaliland ka mid ah kaga saartay dadka reer Koonfurgalbeed.

“Socdaalka waftiga ayay u jeedadiisu tahay, sidaad la socotaan muddo hada laga joogo muddo laba bilood ah, oo dhibaato xoog badan loo gaystay dadka reer Koonfur-galbeed ee ku noolaa degmada Laascaanood, oo maamulka Somaliland xaqiiqdii dhibaato badan ugaystay” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu boqorku wadahadalo intaa dhaafsiisan uu la yeelan doono madaxda iyo bulshada reer Baydhabo isagoona la kulmi doona dadkii lasoo raafay laftooda.

Boqor Buurmadow ayaa horay u sheegay in uu Baydhabo u tagayo si uu raali galin uga bixiyo raafkii ay xukuumada Somaliland dhulkeeda kaga saartay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.