Hargeysa: Munaasibad loo qabtay 140 Arday oo ka Aflaxay Madarasadda Daarul Hilaal (SAWIRRO+MUUQAAL)

Hargeysa (AftahanNews)- 140 Arday oo dhammaystay Barashada Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah, cilmiga Diinta Islaamka iyo Luqadaha Carabiga iyo English, ayaa Xaflad Qalin-jabin ah maanta loogu qabtay magaalada Hargeysa.

140-ka Arday oo ka aflaxay Madarasadda Daarul Hilaal, waxa munaasibadda Qalin-jabinta ah ka Qayb-galay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, masuuliyiin dowladda ka tirsan, culima-awdiin, madax-dhaqameed, Maamulka iyo Macalimiinta madarasadda, Waalidiin iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda hadal ku saabsan aasaaskii iyo taariikhdii ay soo martay Madarasadda Daarul Hilaal ka jeediyey maamulaha madarasadda Fu’aad Maxamed Nuux, waxaanu ka warbixiyey qaabka waxbarashada iyo tarbiyadda ee Ardayda.

Qaabkii ay munaasibaddu u dhacday, shaqsiyaadkii ka hadlay iyo Shahaadooyin la guddoonsiiyey Ardayda Qalin-jabisay, waxa aanu idinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Hoose oo xambaarsan warbixinta laga diyaariyey.