Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Maayerka Degmada Southwark ee Magaalada London

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maayerka Degmada Southwark ee magaalada London ee waddanka Ingiriiska Abdul Mohamed Mad-maax oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogay Caasimadda Hargeysa.

KULANKA MADAXWEYNAHA IYO MAAYER MAXAMED BAD-MAAX

Waxaa Kulankaas ku weheliyey Madaxweynaha iyo Maayerka Cabdifataax Siciid Axmed la-taliyaha Madaxweynaha ee  Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah  iyo  Kuwa Maxaliga ah iyo Mulkiilaha Televisionka Caalamiga ah ee Horn Cable TV Farxaan Xaaji Cali Axmed.

Madaxweynahana waxa ku wehelinaayey Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Axmed Cali.

Sidoo kale waxa uu Maayarku boqasho ku yimid Qasriga Madaxtooyada Shalay 14.05.2014 Isaga oo xafiiskiisa ku Boqday Madaxweyne ku xigeenka ka dibna waxa uu la kulmay Maareeyaha Xafiiska Samafalka iyO la taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland.

Halkan dhegayso Codka Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Maayerka Madaxweynuhu qaabbilay, Afhayeenka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Xidhiidhka Hay’adaha caalamiga ah ee Madaxweynaha, shirkaas jaraa’id oo ay ku faahfaahiyeen waxay Madaxweynaha iyo Maayer Bad-maax ka wadahadleen.

DSC_0003 DSC_0014 DSC_0021 DSC_0045 DSC_0058 DSC_0069 DSC_0069-1 KULANKA MADAXWEYNAHA IYO MAAYER MAXAMED BAD-MAAX

DSC_0021 DSC_0069-1

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.