Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Albaabbadu u xidhnaayeen la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Qaranka Soomaaliyeed Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.

8 3 7 4 5 6 2 1

Madaxweynaha ayaa marka hore Duubaabka Soomaaliyeed uga warbixyey sababaha uu ugu yeeray islamar-kaana u sheegay in ujeedada kulanka tahay wada-tashi, talo-bixin iyo hiigsiga mustaqbalka dalka. “Dalab gaar ah ee uu Madaxwewyni wato ma jiro ee kala warqaadasho iyo talo ayaan idin kugu yeeray gogoshaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

Ka dib talooyinka ay soo jeediyeen . Duubabka Soomaaliyeed ee galabta kulanka la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ballan-qaadeen inay Dowladda si dhaw ula shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay qorshe Xafiiska Madaxweynaha uu waday kaasi oo ahaa in Duubabka Soomaaliyeed loo qaado qaar ka mid ah Wadamada Qaaradda Afrika oo horay dagaallo u soo maray si waayo aragnimo looga soo qaato. Maadaama in ku dhow rubac qarni ay ka soo wareegatay burburkii Dowladdii Soomaaliyeed marka la gaaro Janaayo 2015. Odayaasha Dhaqanka ayaa soo dhaweyeen arrinkan.

Madaxweynaha ayaa yiri. “Dowladdii aad soo dhisteen dhinaca siyaasadda iyo dhinacyo kalaba horumar ballaaran ayey ka sameysay, Mashaakilaad maalintii Dowladdu aad dhiseyseen aanan jirin ayaa hadda jira. Waad og-tihiin Shabaab degaano badan ayaa laga saaray. Mar haddii Shabaab degmo am degaan laga saaro mushkilad ayaa meesha ka imaaneeysa, anagu waxaan dooneynaa in Odayaasha Dhaqanka in arrimahaasi Dowlada kala shaqeeyaan deegaanadaasna ka warqabaan”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimad gaar ah Odayaasha Dhaqanka ku leeyihiin Dowlada iyo dib-uheshiisiinta, wuxuunna Odayaasha ka dalbaday inay iska soo xulaan guddi gaar ah oo arrimahan kala shaqeeya Xafiiska Madaxweynaha.

For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Senior Press Officer
Office of the Somali President
E 1: shadorhaji@presidency.gov.so,

E 2: shadoor150@gmail.com