Puntland oo Shaacisay Tirada Codbixiyaasha Doorashooyinka Ururada Siyaasada

Guddiga Doorashooyinka Puntland
Guddiga Doorashooyinka Puntland

Garoowe (Aftahannews) – Guddiga doorashooyinka Puntland, ayaa shaaciyay Liiska codbixiyayaasha rasmiga ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo ay ka dhacayaan doorashooyinka dowladda hoose ee ururada siyaasada.

Guddiga Doorashooyinka Puntland
Guddiga Doorashooyinka Puntland

Guddiga, ayaa sheegay wadarta tirada codbixiyayaasha saxda ah in ay yihiin 46,839 qof, waxaana 50.8% kamid ah ay yihiin haween, halka 49.2% ay yihiin rag.

Puntland oo dhawaan 23 sano jirsatay, waa markii ugu horraysay oo ay ka dhici doonaan doorashooyinka nidaamka xisbiyada badan, iyagoo ka gudbi doona nidaamka wax qeybsiga hab beeleedka.

Doorashooyinka soo socda oo ah kuwo la soo horumariyay, ayaa guddiga doorashada wuxuu sheegay in ay dhici doonaan bisha Octobar ee sannadkan.

Doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland markii ugu horraysay ee la isku dayo waxay ahayd sannadkii 2013, balse kacdoon lagaga hor yimid ayaa sababay in madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole uu joojiyo.