Tirada Carruur Roobab ku laayeen Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Roobabkan oo muddo dhowr saacadood ah oo xiriir ah da’ayay ayaa daadad waaweyn ku soo rogay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada, gaar ahaan dhulka hoose ee biyo fariisinka caanka ku ah magaalada.

Meelaha ay daadadkan saameeyeen waxyeeladana ay ka geysteen waxaa ka mid ah degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka jidka shaqaalaha, suuqa siigaale, iyo dugsiga Axmed Gurey.

Maxamud Cali Xassan, Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee Degmada Hodan, ayaa VOAda u sheegay in laba caruur ah ay dhinteen, ka dib markii uu daad ku rogmaday xero barakacayaal oo degmada Hodan ku taala.

Sidoo kale, Laba carruur ah ayaa ku geeriyootay kaddib markii uu ku dumay darbiga guriga ay degganaayeen oo ku yaalla degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir.
Axmed Ibraahin Nuur oo ay derisyihiin carruurta geeriyootay oo laba gabdhood ahaa ayaa VOAda u sheegay in derbi qadiimi ah uu ku dumay guriga ay qoyskaasi ku noolaayeen.

Dhinaca kale, daadad ayaa ku rogmaday qeybaha laga dhoofo, kuwa laga soo dego, iyo qeybta VIPda ee Garoonka aaden Cade international Airport ee Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Garoonka Axmed Ibrahim Iman ayaan VOAda u sheegay in daadadku ay ka dhasheen, marin ay markii hore mari jireen oo loo xiray sababo amaanka la xiriira.
Maareeyuhu waxuu sheegay in daadadku aysan saameyn ku yeelan howlihii iyo dhaq dhaqaaqii garoonka diyaaradaha.

Raxmadan ayaa ku hoortay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, xilli dadka iyo duunyadu ay aad ugu baahnaayeen – inay kaga diirsadaan kuleyka, dabeysha iyo Omos ka jiray deegaanadaa.

Hase yeeshee, marka oo roobab ay da’aan waxaa dhibaatada xoogeeda ay soo gaartaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool Guryo cooshado ka sameysan oo aan ka difaaci karin daadadka, iyo qabowga. Waana taa sababta afarta qof ee roobabkan xalay ku nafwaayay ay u nodeen caruurta qoysaska barakacayaasha.

Qaar ka mid ah barakacayaasha ay daadadkii xalay qaadeen ayaa loo daabulay xero qaxooti oo ku taala agagaarka Ex control Afgoye.

Qaramada midoobay ayaa dhawaan ka digtay dhibaato bani aadnimo oo ka dhalan karta roobabka oo waqtigooda ka soo dib dhaca Somalia, gaar ahaan dhulka ay dhawaan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda kula dagaalameen maleeshiyada ururka Al-shabab.

Waxey sheegtay  Qaramada Midoobay in dhibatada roob la’aanta ay halis ku heyso nolosha kumanaan kun oo Somali ah.

Xilli roobaadkan hadda lagu jiro oo caadiyanba da’a inta u dhaxeysa bilaha April iyo June oo muhim u ah wax soo saarka beeraha,  ayaan weli ka bilaaban meelo badan oo ka mid ah koonfurta Somalia, iyo sidoo kale gobolada fog fog ee waqooyi bari Somalia.

xigasho VOA.