Somaliland oo ka hadashay nuxurka wadahadal Taleefanka ku dhex-maray Xasan Sheekh iyo Siilaanyo

“Markuu soo hadlay Madaxweynaha Soomaaliya aniga iyo Wasiirka arrimaha guduhu waannu la joognay Madaxweynaha. Madaxweyne Siilaanye wuxuu u sheegay in….”

“Wuxuu noo sheegay Madaxweyne Cabdiweli Gaas inaanu doonayn dhibaato dhex-marta Somaliland iyo dagaal, balse doonayo nabad iyo walaaltinnimo dhex-marta, Wasiirka ka hadlay markaannu Madaxweynaha kulannay….” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis: Waraysi Gaar Ah:

SIILAANYO IYO XASAN SHEEKH

Hargeysa Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay wadahadal dhinaca taleefanka ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sheegay inuu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ay kaga wadahadleen xaaladda degmada Taleex ee gobolka Sool oo dhawaan Ciidanka Qaranku gaadheen, Maamul-goboleedka Puntland-na ka qayliyey.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xalay Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey waxa ka jira xidhiidh dhinaca Taleenka ku dhex-maray Madaweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland, waxa ay kaga wadahadleen iyo weliba kulan uu toddobaadkii hore sheegay inay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde kula yeesheen Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Gaas oo uu Wasiir Puntland ka tirsani beeniyey. Waxaanu ku dooday in Wasiirka beeniyey kulanka ay Gaas la yeesheen aanu waxba ka ogeyn kulankooda iyo waxay is-yidhaahdeen toona.

Waxaanu Wasiirka arrimaha dibeddu sheegay in dublamaasiyad ka socota Ingiriisku wax ka weydiisay kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland, kana hadlay jawaabtii Madaxweyne Siilanyo ugu sheegay xidhiidh khadka telefoonka ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya la soo sameeyey, isagoo Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay arrinta Taleex.

Wasiirka arrimaha dibedda oo la weydiiyey hadal Wasiir ka tirsan Puntland ku beeniyey kulan dhex-maray Somaliland, ayuu sheegay inuu maqlay, balse isaga iyo Wasiirka arrimaha gudahu la kulmeen Madaxweynaha Puntland, waxaanu ku jawaabay; “Wuxuu noo sheegay Madaxweyne Cabdiweli Gaas inaanu doonayn dhibaato dhex-marta Somaliland iyo dagaal, balse doonayo nabad iyo walaaltinnimo dhex-marta. Markaa, sidii labada dhinacba isaga ilaalin lahaayeen rabshadda ayaan kala hadlaynay. Nalamuu joogin Wasiirka ka hadlay markaannu Madaxweynaha kulannay.”

Mar la weydiiyey Wasiir Biixi xidhiidh Madaxweynaha Soomaaliya sheegay inuu la soo yeeshay Madaxweyne Siilanyo, inuu keenay ka soo bixitaankii Ciidanka Somaliland ee magaalada Taleex, iyo wuxuu ku saabsanaa, waxa uu ku jawaabay; “Markuu soo hadlay Madaxweynaha Soomaaliya aniga iyo Wasiirka arrimaha guduhu waannu la joognay Madaxweynaha. Madaxweyne Siilaanye wuxuu u sheegay in Taleex dhulka Somaliland yahay, cidna u dabo fadhiisanayn tegitaankiisa, rabshadna aanay u tegin, balse aanay aqbalayn in shir kooxda Khaatumo halkaa ku qabato. Nimankii nabad-diidka ahaa markaannu nimidna way ka carareen, annaguna waan ka soo noqonnay.”

Xigasho Wargeyska Himilo.