Hargeysa(aftahannews):- Shirka 7-aad ee Golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka Kulmiye, ayaa loo muddeeyey inuu magaalada Hargeysa ka furmo 28-ka bishan October 2020-ka oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee todobaadkan.
Qoraal wargelin ah oo Jimcaha maanta ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuna saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Axmed Cabdi Dheere, ayaa lagu sheegay in maalinta Axadda ee toddobaadkan la shaacin doono liiska kama-dambaysta ah ee Xubnaha Golaha Dhexe, kuwaas oo loo samayn doono waraaqaha Aqoonsiga ah.
Waxa kale oo qoraalka lagu wargeliyey in xubnaha Golaha Dhexe ee ku soo baxa liiska kama-dambaysta ah ee maalinta Axadda la shaacin doono ay u diyaar-garoobaan qaadashada waraaqaha Aqoonsiga ah, ka hor inta aanu furmin shirka Golaha dhexe.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.