Siyaasi Cali Sandule oo Geeriyooday

Hargeysa (Aftahannews)- Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Siyaasi Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Somaliland.

Marxuum Cali Sandule ayaa door muhiim ah ka soo qaatay dib u dhiskii Dalka Somaliland iyo nabadaynta shacbiga.

Siyaasi Cali Sandule ayaa xilal muhiima oo kala duwan ka soo qabtay dowladihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule).

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.