Dad Xashiishada Ku Beera Gudaha Somaliland oo Ciidanka Boolisku Soo Qabteen

Hargeysa (Aftahannews) – Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa gacanta ku soo dhigay Dad Xashiishad ku beeray gudaha magaalada Hargeysa.

Dadkan oo Beeralay ah ayaa laba Geedka oo waa weyn oo Xashiishad ah ku beeray Beertooda oo ku taalla degmada Daara-Salaam ee Waqooyiga magaalada Hargeysa.

Dadkan ayaa muddo dheer u soo iibgayn jiray Xashiishada ay Beerahooda ka soo jaraan magaalooyinka Somaliland.

Ciidamada Booliska ayaa dabagal ku sameeyay kadibna soo jaray dhirtii, dadkii Beerayna soo qabtay oo xabsiga dhigay.