Somaliland: Tirada Dadka u Dhintay iyo inta laga Helay Xannuunka Covid-19 oo Sii Korodhay

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay sii kordheen kiisaska Dadka laga helayo xannuunka Covid-19 iyo inta u dhimanaysaaba, waxaanay tirada guud maraysaa hadda inta dowladdu sheegtay 34 Ruux oo afar ka mid ahi Cudurka u dhinteen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixinta maalinlaha ah ee wasaaraddu ka soo saarto Covid-19 jeediyey Sabtida 9-ka bisha May 2020, ayaa sheegay in qofkii afraad maanta u geeriyooday xanuunka, halka ay toban kale oo laga helayna soo kordheen, tirada guudna isku noqonayso 34, ay 4 dhimasho yihiin.

Haddaba, Warbxinta Sabtida uu jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo farriinta uu Bulshada u diray-ba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.