Ethiopia: Maxay Tigreegu Ismaamul & Qowmiyad ahaanba Diiddan yihiin?

Filed under: Aragtida Bulshada,Wararka |
Taariikh ahaan, Tigraygu waxay Minelikii labaad kala qeyb-qaateen duulaannadii uu ku qabsaday Koonfurta iyo Galbeedka Eithiopia qarnigii 19-aad horraantiisii. Waxaanay intii ka dambaysay dhul-ballaadhsigaasi, isku arkayeen kuwa laga maarmay oo Boqortooyadii Axmaaradu ee ay diin-waadaagga ahaayeen (Orthodox Christianity) aanay wax abaal ah u celin.
TIGRAY REGION MAP

TIGRAY REGION MAP

Waxaanay u arkeen Axmaarada kuwa ka qadiyay dhulalkii ay qabsadeen, isla markaana is-gaashaan buuraysi kale la samaystay dadyawgii reer-baadiyaha ahaa ee ay qabsadeen.
Tigreyga- iyaga oo dhutinaya ayuu Dhergigu kusii joogsaday. Waxa uu Nidaamkii Hanti-wadaagga ee Dhergigu afgambiyay Boqortooyadii Haile Salase 1974-kii, una badalay hoggaamintii Itoobiya Nidaam Siyaasadeed Shuuciya oo ku dhisan hal-xisbi.
Dhergiga laftiisu wuxuu ahaa mid ay Axmaaraddu Militari iyo Siyaasad ahaanba hoggaaminayaan. Waxaanu ku shaqeynayay olole Shuuciyeed iyo Xamaasad Isireed is-huwan. Waxaana Tigreega foo kasoo jeeda xadaarad u dhiganta tan Axmaarada, sida qowmiyadaha kale lagu Qasbay Afka Axmaariga: kaasi oo noqday Luqada Rasmiga ee Maamulka dawladeed, tan Waxbarashada iyo Ganacsigaba.
Walaw duruufo dhaqaale loo nisbeeyo waxyaabihii dhaliyay kacdoonkii iyo jabhaydayntii ay shucuubta Tigreegu ay kaga horyimaaddeen taliskii Mingeste, haddana kamuu maqnayn dareen qowmiyeednimo ay ku diidanayeen Amhaariyaynta dalka. Waxa kale oo ay tan la wadaagayeen dhaq-dhaqaaqyadii gooni-u-goosasho ee ay bilaabeen qowmiyadihii kale ee Canfarta, Oromada iyo Somalidu.
Markii ay dhacday Dawladdii Kalitaliska ahayd ee Dhergigu 1991-kii, waxa talada la wareegay EPRDF oo ka kooban Isbahaysi Qowmiyeeddo hubaysan oo si wada jir ah u la wada dagaalamay Taliskaasi. Waxaana dalku ku qaatay Siyaasad Fedaraalnimo oo ku dhisan Qowmiyado (Ethnic-based Federalism).
Hadaba khilaafka imika jiraa wuxuu salka ku hayaa khilaaf xadeed u dhexeeya Gobolka Tigray iyo Axmaarada. Waxaana dhulalka midabaysan ee ku jira maapka Gobolka Tigray, la sheegayaa in ay yihiin dhul-ballaadhsi ay Sameeyeen intii ka dambaysay 1991-kii, iyaga kaashanay Awooddii TPLF ee Dawladda dhexe ee uu hoggaaminayay Males Zanawi. Meelaha xiisaddu ka taagantahay wax kamida Gonder iyo Wollo.
Xiisadda khilaaf ee u dhexeysa Maamulka Tigray iyo Amxaara, wuxuu kor u kacay 2018. Sida ay sheegayso ICG, Ismaamulka Axmaaraddu wuxuu laayay, barkiciyayna kumanaan ka tirsan qowmiyad Qimant oo dhex deggan gobolkooda. Qowmiyaddan ayaa bilawday dhaq-dhaqaaq ay ku doonayaan is-xukun-hoose (autonomy) oo ka madaxbanaan Maamulka Axmaarada. Halka uu Maamulka Axmaaradu isna ku eedeeyay Maamulka Tigray in uu ku lug leeyahay dhaq-dhaqaaqyadan.
Labada Ismaamul midkoodna uma muuqdo mid oggolaanaya wax tanaasula. Sidoo kale Tigraygu waxay ka biyo-diideen Guddida Xallinta khilaaf xadeedyada Federaalka ee la asaasay 2018-kii. Waxaanay ku doodayaan in aanay Guddidan lahayn sharciyad iyo dhex-dhexaadnimo ay ku dhexgasho khilaafka. Waxaanay ku andacoonayaan in aanay Guddidani ku salaysnayn Dastuurka dalka, isla markaana aanay lahayn awood ka madaxbannaan Maamulka Abby, maadaamo oouu la xisaabtankooda leeyahay Xafiiska Raysal Wasaaruhu halkuu ka yeelan lahaa Baarlamaanka Federaalku.
Tigreegu kuma kalsoona Abby, marka ay noqoto Khilaafka iyaga iyo u dhexeeya Axmaarada. Maadaamo oo ay amhaaradu ay kamid ahaayeen is-bahaysigii kursiga Awoodda Saaray Abby. Waxaanay Tigreegu isku arkaan kuwo siyaasad ahaan Axmaarada iyo Oromadu go’doomiyeen, oo xataa siyaasiyiintii Oromada iyo Amxaarada ahaa ee ku jiray Xisbigooga ay uga yeedheen, qaarkoodna cadaadis lagu saaray inay iska casilaan. Sidoo kale isbadalladii uu ku tallaabsaday Raysal Wasaaraha Cusub, ayay u fasirteen Siyaasad Qawmiyad ahaan loogu bartilmaameedsanayo oo wax kasta oo laga tabanayay maamulkii hore iyaga dusha laga saarayo.
Xisbiga Tigreega ee ka arrimiya imika Gobolka Tigray, wuxuu isku arkaa mucaaridka qudha ee dhex fadhiya Baarlamaanka Federaalka. Waxaanay Ismaamulka Tigreegu muddooyinkii dambe bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku xoojinayaan Ciidamadooda Nabadgalyada. Tallaabooyinkaas oo ay Federaalku isha ku hayeen, isla markaana u fahmeen isku-diyaarin dagaal oo ay ka badan Baahi amniyeed. In ay Tigreegu tab iyo taag ahaanba is-hubsadeenna, waxa tusaale kugu filan sida uu Maamulkoogu ugu joojin waayay Amarkii Xanuunka Koofidka la xidhiidhay ee dawladda dhexe ku joojisay doorashooyinka.
Waxa Qoray Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul.

You must be logged in to post a comment Login