Somaliland oo Shaacisay Tirada Dad Covid-19 Looga Shakiyey oo Baadhistooda Dibedda loo Diray

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Sheegtay inay 20 Qof oo looga Shakisan yahay inay Qabaan Cudurka Covid-19 ay Dheecaammadooda Dibedda u direen, Si loo soo Xaqiijiyo Kiisaskooda Caafimaad.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo xubin ka ah Guddiga ka-hortagga Covid-19 ee Somaliland oo maanta Warbaahinta la hadleen isaga iyo xubno kale, ayaa sheegay in la sugayo natiijada labaatanka Qof ee baadhitaannadooda dibedda loo diray.

“Illaa iyo hadda 20 Qof, ayaa laga qaaday Dhiiggii iyo Dheecaannada Xanuunka (COVID19) lagu baadho, iyagana waxaannu sugaynaa in maalmaha soo socda natiijadoodu inna soo gaadho, illaa iyo hadda cid kale oo la xaqiijiyey ma hayno.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, balse muu sheegin halka ay 20-kaas Ruux hadda ku sugan yihiin iyo in meel gaar ah lagu hayo toona.

Sidoo kale, Wasiir Kaahin waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay Somaliland helayso Shaybaadhka u gaarka ah baadhitaanka Caabuqa Sadhadiisu Dunida wada gaadhay ee Covid-19, kaas oo dalka soo gaadhi doona maalmaha toddobaadkan.

Guddiga Ka-hortagga Corona-virus ee Somaliland, waxay isla maanta soo saareen amar ay ku socodsiiyeen Ciidammada Booliska iyo Maamullada gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaas oo ay fareen inay xidhaan Garoommada Kubadda lagu ciyaaro ee gaarka loo leeyahay ee ganacsiga u furan oo aan weli la xidhin iyo sidoo kale Meheradaha ganacsiga ee aan u hoggaansamin amarka dowladda ee ah inay xidhaan, sidoo kalena ay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Daawo Muuqaalka Shaacinta 20-ka Qof ee Baadhistooda la sugayo:-

Somaliland, inta ay dowladdu xaqiijisay ee Cudurkaas laga helay waa laba Qof oo kala ah Nin Dalka Shiinaha u dhashay oo Somaliland Shaqo u joogay oo ku sugan Berbera iyo Nin reer Somaliland ah oo Dalka UK oo uu dhalashadiisa haysto ka yimi, kaas oo isna ku sugnaa marka Fayraska Covid-19 laga helay ku sugnaa magaalada Burco oo uu Qoyskiisu deggan yahay.

Hase-yeeshee, waxaanay dowladda Somaliland illaa hadda xidhin Xadka ay Itoobiya la wadaagto oo qaadku maalintii iyo habeenkiiba dhawr jeer ka yimaaddo iyo duullimaadyada Diyaaradaha Itoobiya oo iyaguna si maalinle ah u yimaaddaa, isla markaana maalintiiba laba jeer dalka keena Dadka ka soo laabanaya Qurbaha ee Reer Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, waxay diidday baaqyo badan iyo soo jeedin Bulshadu kaga dalbanayso in la joojiyo Qaadka iyo Diyaaradda Itoobiya oo halis badan ku ah Shacabka Somaliland in Cudurka Covid-19 si lama filaan ah ugu faafo, maaddaama oo uu Dalku Cirka, Dhulka iyo Baddaba ka furan yahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.