Wasiirro Si Cadho leh iyo Hanjabaad Kaga Jawaabay Hadal uu Jeediyey Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirro Xukuumadda Somaliland, ayaa Jawaabo Kulul ka bixiyey Hadal uu Jeediyey Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, kuwaas oo ka gubtay hadal uu ku sheegay inay xilligan u muuqdaan in badi hay’adaha dawliga ah ee dalku u muuqdaan kuwo qof keliya u shaqeeya.

Hadalkaas ayuu Xoghaye Khadar ka jeediyey Munaasibad lagu xusay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha ee 10-ka December, isla markaana uu soo qaban-qaabiyey Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland oo kaashanaya Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, taas oo Salaasadii maanta lagu qabtay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Haddaba, Wasiirrada Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Cadaaladda Mustafe Maxamed Cali, waxaanannu sida hadallada weerarka iyo weerar-celinta isu rogay ee ay halkaas ka jeediyeen masuuliyiintani idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.