Xukuumadda Somaliland Iyo Jabhadda Cawaale Oo Heshiis Gaadhay

Awdal (Aftahannews)-Ergo-nabadeed isugu jira Aqoonyahano, Oday dhaqameed iyo Masuuliyiin Xukuumada Somaliland ka tirsan, ayaa maanta ku guulaystay inay soo afjaraan koox dhawaan deegaan Laastuug oo hoostaga gobolka Awdal kaga dhawaaqay inay yihiin Jabhad hubaysan oo la baxday Cawaale.

Wada-hadal dhexmaray ergada nabad-doonka ah iyo kooxdaasi jabhada la baxday ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqeen inay soo afjareen arrintaasi isla markaana kooxdaasi ay ka noqdeen jabhadaasi Cawaale, tabashadoodana xukuumadu ay dusha ku qaadatay.