Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Ballon d’Or Iyo Nobel Prize

Laacibka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa isbar-bardhigay abaal-marinta uu doonayo inuu ku guuleysto markiisii lixaad ee Ballon d’Or, iyo abaal-marinta Nobel Prize ee la siiyo shaqsiyaadka wax uun dunida ku soo kordhiyay sida aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta.

Xiddigii hore kooxda Real Madrid ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta ee qarnigan 21-aad, si la mid ah kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, kaddib markii uu gacan ka geystay ku guuleysiga koobab fara badan.

Cristiano Ronaldo ayaa qeyb ka ah liiska 30-ka ciyaartoy ee ku tartami doonta abaal-marinta Ballon d’Or 2019, kaa soo la shaacin doono guuleystaha xaflada ay qaban doonto majalada France Football 2-da bisha Diseembar ee soo aadan.

Si kastaba ha noqotee, Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay majalada France Football wuxuu ku sheegay:“Waxaan wax ka bartay Michael Jordan sidaan wax uga bartay dhamaan kuwa aadka u fiican, Kaliya kama hadlayo isboortiga, sababtoo ah waxaan jeclahay inaan wax ka aqriyo waxyaabaha ku saabsan abaalmarinta Nobel iyo waxa ku saabsan kuwa hormarka sameeyay, hal abuurayaasha iyo kuwa wax uun soo saaray”.

“Abaal-marinta Nobel ee shaqsiyaadkan waxay iila mid tahay Ballon d’Or aniga ahaan, xilli kasta waxaan jeclahay inaan wax ka ogaado maxay u soo saareen arrintan iyo sida ay u sameeyeen, taasi waa arrin muhiim ah waxaynna iga caawineysaa inaan wanaajiyo xirfadeyda” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cristiano Ronaldo