“Waa in dembiileyaasha dhaqso loo horkeenaa Caddaaladda, iyadoonay jirin wax dib-u-dhac ahi…” Danjire Kay

Muqdisho(Aftahannews):- Qaramada Midoobay, ayaa Masuuliyiinta Maamul-goboleedka Puntland iyo kuwa Soomaaliya-ba ka dalbatay in sida ugu dhaqsaha badan ay caddaaladda u horkeenaan dembiilayaasha geystay iyo kuwa ka dambeeyey dil maanta lagu khaarajiyey laba Sarkaal oo ka tirsanaa Hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabbilsan ka hor-tagga daroogooyinka iyo dembiyada ee UNODC.

QARAMADA MIDOOBAY LOGODANJIRE KEY

Labada Sarkaal oo u kala dhashay waddamada Fansiiska iyo Ingiriiska, ayaa Isniintii uu Askari ka tirsan Booliska Maamulka Puntland ku toogtay garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland maamusho, ka dib markii uu Askarigaas oo ilaalada ammaanka garoonka ka tirsanaa qori ka boobay Askari kale, isla markaana uu Baas ku furay Saraakiisha Qaramada Midoobay ka tirsanaa oo garoonka markaas diyaarad kaga degay.

Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Mr. Nicholas Kay, ayaa qoraal uu dilkaas kaga hadlayo ka soo saaray, isla markaana waxa uu si adag ugu cambaareeyey dilkaas loo geystay labada qof ee Shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ka tirsanaa, waxaanu ku tilmaamay dilkaas mid aan cudur-daar lahayn.

“Waxaan cambaareynayaa dilka foosha xun leh. Saaxiibadeenna ka tirsanaa Qaramada Midoobay waxay u howl gelaayeen siday u taageeri lahaayeen baahida dadka Soomaaliyeed ay u qabaan helitaanka mustaqbal ay nabad iyo xasillooni ku dheehan-tahay. Wax cudur daar ah looma helaayo weerarka naxariis la’aanta ah.” Sidaa ayuu yidhi Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya.

Danjire Nicholas Kay oo hadalkiisa sii wataa waxa uu dalbaday in iyadoo aanay jirin wax cudur-daar iyo dib-u-dhac toona caddaaladda la horkeeno kuwa falkaas geystay, waxaanu yidhi; “Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta in ay sameeyaan baadhitaan, buuxa sida ugu dhaqsiyaha badan lehna ay dembiileyaasha u hor keenaan caddaaladda, ayadoonay jirin wax dib u dhac ah.”

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya Nicholas Kay, waxa uu tacsi u diray qoysaska labada nin ee la dilay, waxaanu yidhi; “Waxaan tacsi u dirayaa qooysaskii iyo asaxaabtii dadkii la dilay. Qaramada Midoobay waxay sii wedi doontaa taageerada muhiimka ah eey u fidibneeyso dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo hadda kasoo kabanaya labaataneeyo sano oo xasilloni la’aani ay ka jirtay dalkooda.”

Labadan qof ee la dilay ayaa la sheegay inay kala yihiin Simon Davies oo u dhashay dalka Biritan iyo Clement Gorrissen oo u dhashay dalka Faransiiska. iyadoo gacanta lagu hayo oo ay xidhan yihiin ninka Askariga ahaa ee dilka geystay iyo ninka lahaa qoriga uu ku fuliyey dilka oo isaguna Askari ahaa. Waxaana ka sokow Qaramada Midoobay dilka labadan ruux si kulul u cambaareeyey Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo isagu sheegay in nimankaas gacanta lagu hayo, baadhitaankooduna socdo.

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.