Magacyada labada Nin ee Gaalkacyo lagu dilay, dalalka ay u dhasheen iyo Cabdiwali Gaas oo ka hadlay

Gaalkacyo(Aftahannews):- Labada Nin ee Saraakiisha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan ka hor-tagga daroogooyinka iyo dembiyada ee UNODC oo maanta Askari ka tirsan Booliska Puntland, ayaa u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sawrika_labada_ruux_ee_la_dilay_1

Labadan qof ee la dilay ayaa la sheegay inay kala yihiin Simon Davies oo u dhashay dalka Biritan iyo Clement Gorrissen oo u dhashay dalka Faransiiska. iyadoo gacanta lagu hayo oo ay xidhan yihiin ninka Askariga ahaa ee dilka geystay iyo ninka lahaa qoriga uu ku fuliyey dilka oo isaguna Askari ahaa.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay VOAda waxaa uu ku sheegay in mid ka mid ah labada nin ee lagu dilay halkaasi uu u dhashay dalka Biritan, halka kan labaadn uu kasoo jeedo Kanada.

Xilliga toogashadu dhacday ayaa la sheegay in qayb ka mid ah garoonka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsna mamaul Goboleedka Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in qofka dablayyda ah ee dilay labada nin uu xirnaa diirayska booliiska ilaaliya garoonka “Cabdullaahi Yuusuf Axmed” ee magaalada Gaalakacayo.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa xaqiijiyey in labada qof ay u shaqaynayeen Qaramada Midoobay Xfaiiska u qaabilsan la dagaalanka daroogada iyo dambiyada (UNODC).

Mr Kay waxa uu cambaareeyey weerarka, waxana uu ugu baaqay mas’uuliyiinta Puntland inay sameeyaan baadhitaan buuxa oo caddaaladda lagu horkeenayo cidii ka dambaysay weerarkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.