Champion: Kooxaha Real, Juventus, Man.City, PSG, Tottenham Iyo Munch Oo Guulo La Mahadiyo Gaadhay  

Real Madrid ayaa guushii ugu horreysay ee Champions League ee xilli ciyaareedkan gaadha,y ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda Galatasaray oo marti loogu ahaa magaalada Istanbul.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay kooxda Galasataray iyadoo xiddiga Andone uu kubbadd la kor tagay goolhaye Courtois laakiin goolhayaha reer Belgium ayaa badbaadiyay kubbadd loo fishay inay gool tahay.

Los Blancos ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 18-aad markii Eden Hazard uu kubbadd u dhiibay Toni Kroos kaasoo meel 15 mitir u jirta goolka ka toogtay iyadoo kubbadda ay ku sii dhacday difaac Galatasaray ah ka hor inta aannu shabaqa ku nasanin.

Toni Kroos waa ciyaaryahankii shanaad ee gool dhaliya kulankiisii 100-aad ee Champions League ka dib Andrea Pirlo, Cristiano Ronaldo, Zlatan Ibrahimovic iyo Thierry Henry.

Los Blancos ayaa fursad u heshay qeybtii labaad inay wax ku darsadaan goolkaas, laakiin waxay ku badiyeen goolka uu u saxeexay xiddiga Jarmalka oo u dabaaldegay goolkiisii 100aad.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa gaadhay guusheedii 3aad ee isku xigta ee wareega group-yada ka dib markii ay 5-0 kaga badiyeen kooxda Club Brugge oo marti loo ahaa.

PSG oo sagaal dhibcood ku hogaamineysa Group A ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta qeybteedii hore markii kubbadd baas ah uu garabka middig ka soo dhigay Angel di Maria uu shabaqa ku taabtay Mauro Icardi.

Mauro Icardi ayaa gool labaad dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo weeraryahanka Faransiiska Kylian Mbappe uu saddexlay dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Kylian Mbappé oo 20 sanno jir ah ayaa xiddigii ugu da’da yaraa ee Faransiis ah ee seddexleey ka dhaliya Champions League isagoo jabiyay rikoodhkii Jean-Pierre Papin oo seddexleey u dhaliyay Club Brugge isagoo 21 sanno jir ah.

Real Madrid ayaa ku jirta kaalinta labaad ee Group A iyadoo leh afar dhibcood, waxaanna ay shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda Faransiiska.

Group B

Bayern Munich ayaa gaadhay guushii saddexaad ee isku xigta ee wareega group-yada Champions League ka dib markii ay 3-2 ku dileen kooxda Olympicos oo ay marti u ahaayeen iyadoo guusha uu ku hogaamiyay xiddigooda Lewandowski.

Olympiacos ayaa hogaanka ku hormartay markii uu shabaqa u soo taabtay Youssef El Arabi daqiiqadii 23-aad laakiin waxaa Bayern Munich u barbareeyay isla qeybtii hore ee ciyaarta Robert Lewandowski.

Lewandowski ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Bayern Munich saacad markii ay socotay ciyaarta, waanna goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Lewandowski ayaa dhaliyay goolashiisii 58aad ee Champions League isagoo kaalinta shanaad ee gooldhalinta abid ee Champions League kala baxay Ruud van Nistelrooy (56).

Corentin Tolisso ayaa guusha u sii xaqiijiyay kooxda Bayern Munich markii uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 75aad ee ciyaarta.

Guilherme ayaa gool u soo celiyay Olympiacos ciyaarta oo 10 daqiiqo ay ka hadhsan tahay.

Bayern Munich ayaa Group B ku hogaamineysa sagaal dhibcood, waxaanna ay u baahan yihiin guul kale si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda wareega 16ka.

Dhanka kale Tottenham ayaa gaartay guusheedii ugu horreysay ee Champions League ee xilli ciyaareedkan ka dib markii ay 5-0 ku garaaceen kooxda Red Star Belgrade oo marti ugu ahayd garoonkooda cusub ee White Hart Lane.

Heung-Min Son ayaa laba gool u dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo Harry Kane uu shabaqa soo taabtay isla qeybtii hore. Erik Lamela ayaa gool afraad ku daray daqiiqadii 57aad ee ciyaarta. Harry Kane ayaa isna dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 73-aad.

Manchester City ayaa gaartay guushii 3-aad ee isku xigta ee wareega group-yada Champions League ka dib markii ay 5-1 ku xasuuqeen kooxda Talyaaniga ee Atlanta oo marti ku ahayd garoonka Etihad Stadium, iyadoo Raheem Sterling saddexleey dhaliyay.

Ruslan Malinovsky ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Talyaaniga ka dib rikoodhe uu saxeexay, laakiin laba gool oo degdeg ah oo midi ay rikoodhe tahay ayuu Sergio Aguero dhanka kale ugu rogay ciyaarta.

Raheem Sterling oo qaab ciyaareed fiican ku raaxeysanaya xilli ciyaareedkan ayaa bilowgii qeybta labaad shabaqa u soo taabtay Sky Blues isagoo dhaliyay goolkii seddexaad ee kooxda Pep Guardiola.

Raheem Sterling ayaa shan daqiiqo gudaheed laba gool ku dhaliyay ciyaarta oo 20 daqiiqo ay ka hadhsan tahay isagoo dhamaystiray saddexleydiisa.

Weeraryahanka Man City Sterling ayaa ah xiddigii 8-aad ee Ingiriis ah ee seddexleey ka dhaliya Champions League ka dib Michael Owen, Andrew Cole, Wayne Rooney, Harry Kane, Mike Newell, Alan Shearer iyo Danny Welbeck. Kaliya Brazil (12) iyo France (9) ayaa ciyaartoy kala duwan ay seddexleey ka dhaliyeen tartanka.

Manchester City ayaa hal guul u jirta inay u soo gudubto wareega 16ka ee Champions League iyagoo sagaal dhibcood ku hogaaminaya Group C.

Dhanka kale kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Dinamo Zagreb ayaa ku kala baxay barbaro 2-2 ah. Dinamo Zagreb ayaa ku jirta kaalinta labaad inkastoo ay 4 dhibcood la wadaagaan kooxda kaalinta seddexaad ee Shakhtar Donetsk

Group D

Paulo Dybala ayaa ka saaciday kooxda Juventus guul ay u dagaalantay oo ay ka gaartay kooxda Lokomotiv Moscow oo ay 2-1 ku garaaceen iyadoo xiddiga reer Argentina uu labadda gool dhaliyay.

Inkastoo Juventus ay kubbadda heysatay boqolkiiba 80 qeybtii horre ee ciyaarta hadana waxa ay dhibane u noqdeen gool ay hogaanka ku qabatay Lokmotiv Moscow markii uu daqiiqadii 30aad gool u saxeexay Aleksey Miranchuk.

Juventus oo u muuqatay inuu xaalka ku xun yahay ayaa waxaa daqiiqadii 77aad u barbareeyay weeraryahanka reer Argentina Paulo Dybala.

Paulo Dybala ayaa noqday geesiga Juventus isagoo seddex daqiiqo ka dib hogaanka u dhiibay kooxda Juventus kuwaasoo jahwareer kala kulmay kooxda Ruushka kulankii caawa.

Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa 1-0 ku garaacday kooxda Bayer Leverkusen iyadoo Alvaro Morata uu daqiiqadii 78aad goolka guusha u saxiixay.

Inkastoo Juventus iyo Atletico ay isku dhibco yihiin oo ay min 7 dhibcood leeyihiin