Uurcadde Oo Sharci-jebin Ku Eedeeyey Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada, Arrin Cusub-na ka Hadlay

Hargeysa(aftahannews):- Xoghiyihii hore ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa ka hadlay Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka loo magacaabay oo Qaarkood lagu muransan yahay amma Xisbiyada qaar ka soo horjeedaan, waxaanu u soo jeediyey Golaha Wakiillada inaanay cid gaar ah raalligelin ee ay Sharciga ay dejiyeen ku dhaqmaan, ciddii shuruudaha buuxisa iyo ciddaan buuxinba ay Sharci ku kala saaraan.
Maxamed Uur-cadde waxa uu sidaa ku sheegay mar uu u warramay Barnaamijka Xog-wadaag ee ka Baxa Baddacas24TV.

Mr. Uur-cadde, waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay eedo loogu jeediyey Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Burco ku yeeshay bishii hore oo xil-ka-qaadistiisa iyo xisbi-ka-saaristiisa lagu ansixiyey.

Hadalka Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Barnaamijka oo dhammaystiran waxaad Talefeeshinka Baddacas24TV ka daawan doontaan khamiista jimcuhu soo galayo tobanka iyo badhka habeennimo haddii Illaahay idmo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.