Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Dagaalka Webiga Niil

Addis-Ababa (Aftahannews)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaal lala galo Masar aannu xal noqoneyn oo loo baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dhammeeyo, balse haddii ay suurageli weyddo dalkiisu uu hayo malaayiin dhallinyara ah oo dagaal geli karta.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa maanta hortagay baarlamaanka dalkiisa iyadoo ay mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo ka weyddiiyeen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay.

Arrimaha wax laga weydiiyay waxaa ka mi ah xiisadda Masar iyo Itoobiya ka dhex taagan, xorriyadda saxaafadda, dorashooyinka, nidaamka federaalka, arrima la xidhiidha siyaasadda iyo bulshada Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weyddiiyey xaaladda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee la xidhiidha muranka ka dhashay biyo- xidheenka weyn ee ay Itoobiya ka dhisayso webiga Nile wuxuu ku jawaabay in “shacabka Itoobiya aanay dooneyn in waxyeello ay u geystaan shacabka Masar, in ay wax taraan mooyeen”.

Wuxuu intaa ku daray: “Dowladda Itoobiyanna waa la mid. Annaga iyo Masar arrimo siyaasadeed oo aan ka wadahadleyno haba yaraatee ma jiraan. Madaxweyne Sisi dhawaan ayaan wadahadalnay maalmaha soo socda barri ama saad dambe inaan kulanno ayaan rajeynayaa inaan ka wadahadalno wixii ay dhibsadeen.”IMAGES

“Arrinta kale ee sheegaysa in tallaabba aan qaadeyno, sida aad la socotaan shacabka Itoobiya, dal dibadba, waxaan si xushmad leh ugu sheegayaa in afartii qofba uu mid sabool yahay, waanna dhallinyaro, marka xittaa haddii Afrika inaan la dagaallanno u baahanno malaayiin ayaan dagaal gelin karnaa.”

Raiisalwasaaruhu isagoo ka fogaynayaa inuu carrabka ku xoojiyo dagaal wuxuu yidhi “Dagaalku xal ma aha, dagaalku Masar-na ma anfacayo, Suudaan-na ma anfacayo, innagana nama anfacayo.”

“Balse haddii ay arrintu tagto jiritaanka dalka iyo calanka, xataa aniga ayaa galaya dagaalka. Wax faa’iida ah lagama helayo, fikirka noocaasi ma aha mid wanaagsan, waxaa wanaagsan in la wada fadhiisto oo la wada hadlo.”