Maareeyihii guud ee Dekedaha Djibouti Sacad Cumar Geelle oo Dalka Faransiiska ku geeriyooday

Filed under: Wararka |

Paris(aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Maareeyihii guud ee Dekedaha Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle, isla markaana walaalo ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii maanta ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Sacad Cumar Geelle Maareeyihii Dekedaha Djibouti oo geeriyooday 2019

Sacad Cumar Geelle Maareeyihii Dekedaha Djibouti oo geeriyooday 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Marxuumka, ayaa abbaaro shantii galabnimo ee Isniinta ku geeriyooday American Hospital ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo xaalad caafimaad loo geeyey. Allaah aha u naxariistee Sacad Cumar Geelleh, wuxuu ahaa hormoodka Horrumarinta Dekaddaha Jabuuti, waxaanu ahaa shaqsi ku kalsoon himilada Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ee ahayd sidii dalkiisa iyo dadkiisu ay uga faa’idaysan lahaayeen istiraatiijiyadda heer juquraafi ee ay ku taal Djiboti.

Iyadoo  si heer sare ah uga faa’idaysanaysa bogcada ay ku taal dhammaan marinnada maraakiibta caalamiga ah, taas oo ka dhigeysaa Dekadda Jabuuti, dekada badeecadaha ganacsiga u gudbaya Bariga Afrika iyo meelo kale, isla markaana badeecadaha u dhoofaya dunida kale sida Yurub, Amerika, Aasia iyo Eeshiya, taasoo si weyn fursad ugu noqotay Dekedda Djibouti.

Marxuum Sacad, wuxuu jeexay 10-kii sano ee la soo dhaafay, qorshaha istiraatiijiyadeed ee horumarinta marinno gaar ah oo ganacsi, kuwaas oo lagu dhiirigelinayo maalgashiga iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Qorashahaas, ayaa sababay horrumarka iyo ballaadhinta dhismaha dhulal cusub oo lagu ballaadhiyay Dekedda Jabuuti, iyadoo la sameeyay Terminalo kala duwan iyo aaga horumarineed ee cashuurta ka caagan (Free Zone).

Maamulka Dekedaha Djibouti ee uu hormoodka u ahaa Maareeye Sacad, waxay muujiyeen sida ay Dekadda Jabuuti oo ka faa’idaysanay Istiraatiijiyada ay dhacdo si joogto ah u wanaajinayso  awoodda iyo tas-hiilaadka adeegyada ay bixiso dekeddu si ay uga gaashaamato inay yimaadaan caqabaddaha ka dhalankara korodhka xamuulka xamuulka ee xawliga ah, isla markaana  dayactirka kaabayaasha Dekedda mar walba indhaha loogu hayo.

Sidoo kale Maareeyaha Geeriyooday, wuxuu maamul ahaan u Ballan qaaday macaamiisha in ay ka dhignayaan adeega dekada ka ugu hufan uguna amaan badan gobolka. waxayna Maamulka Dekeddaha si cad u muujiyeen aaminsanaanta  firfircoonaanta iyo hal-abuurnimada, iyagoo adeegsanaya teknoolojiyadda ugu wanaagsan dekeddaha Caalamka ugu horrumarsan, waxaana Marxuum Sacad Cumar Geelle u ahaa hormood dhammaan qorshayaashaa oo intooda badan hirgalay, isla markaana si weyn looga dareemay dalka Djibouti iyo Mandaqadaba.

Allaah ha u naxariistee, waxa uu Marxuumku ifka kaga tegay laba Xaas iyo Gabadh uu dhalay. Meydka Marxuumka, ayaa lagu wadaa in Khamiista laga soo qaado Faransiiska oo la keeno magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana loo samayn doonaa aas Qaran haddii Illaahay idmo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login