Hargeysa(aftahannews):- Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Daafac), ayaa sharci-darro, faaf-reeb iyo Cabbudhin ku tilmaamay amarka Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ku soo rogay maanta Warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ka hawlgasha, gaar ahaan TV-yada oo uu ku amray inay isku xigsiiyaan wararka Somaliland, kuwa Soomaaliya iyo deegaannada Soomaalida u aqoonsadaan warar dibedeed oo ay xagga dambe mariyaan.
Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) oo ah Sharciyaqaan Xuquuqda Aadamahana u dhaqdhaqaaqa, ayaa Horn Cable TV uga warramay amarka Wasiirku siduu gefka ugu yahay sharciga dalka iyo madaxa-bannaanida warbaahintaba.
Haddaba, Warka Guuleed-Daafac oo faahfaahsan waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.