Malaysia oo sheegtay in la helay Burburka diyaaraddii la waayey iyo Rakaabkii oo aan qof lahayn

Kuala Lumpur(Aftahannews):- Dowladda Malaysia ayaa sheegtey in xogta satellite-yadu ay muujinayaan in diyaaraddeedii Rakaabka siddey ee la la laa ku burburtey Koonfuurta Badweynta Hindia.

140324093937_malaysia_plane_search_512x288_getty 140309081019_malaysia_airline_relative_304x171_getty_nocredit

Raiisal-wasaaraha Malaysia Najib Razak, ayaa sheegey in xogta la heley ee daraasadda lagu sameeyey ay soo uruurisey shirkad laga leeyahay Britain. Xogtaasi ayaa muujineysa, in diyaaradii shirkadda Diyaaradaha Malaysian Airlines ee duulimaadka nambarkiisu yahay 370 ay ku dhacdey goob aad u fog oo ku dhow galbeedka magaalada Perth.

Waxa uu Raysal-wasaaraha Malaysia Warbaahinta u sheegay maanta oo Isniin ah in isagoo ka xun uu  shaacinayo in diyaaraddii Boeing 777 ee duulimaadkii 370 ay ku soo afjarantey Koonfuurta Badweynta India. Waxaanu intaa ku daray in dhamaan Eheladii 239 Qof oo ahaa Rakaab diyaaraddaas saarnaa diyaaraddaa lagu waayey oo lagu wargeliyey arrintani.

Diyaaraddan ayaa muddo laba toddobaad iyo dheeraad laga joogo ka hor ka duushay Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, waxaanay ku sii jeedday magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha. Hase-yeeshee, wax yar markii ay duullimaadkeeda hawada ku jirtay ayaa la waayey. Taasoo baadhitaankeeda si weyn looga wada qayb-qaatay, aadna loogu mashquulay sidii loo heli lahaa.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.