Somaliland: Wasiirka Hawlgaha Guud oo Dhalliilay Tayada Shirkadaha Dhismaha ee dalka ka Shaqeeya

WASIIRKA HAWLAHA GUUD EE SOMALILAND CABDIRASHIID DUCAALE QAMBI OO SHIRKADAHA DHISMAHA DHALLIILAY 2019
WASIIRKA HAWLAHA GUUD EE SOMALILAND CABDIRASHIID DUCAALE QAMBI OO SHIRKADAHA DHISMAHA DHALLIILAY 2019

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa si saluug ka muujiyey, isla markaana dhalliilay tayada Shirkadda dhismaha ee dalka ka hawlgala oo uu tilmaamay inay ku dhawaad laba kun oo shirkadood yihiin oo 30 ka tirsani caadi u shaqeeyaan, 30-kaas oo ay Al-najax construction ka mid tahayna tayada dhismayaasha ay sameeyaan liidato, bulshadana halis ku yihiin aamminaaddoodu.

WASIIRKA HAWLAHA GUUD EE SOMALILAND CABDIRASHIID DUCAALE QAMBI OO SHIRKADAHA DHISMAHA DHALLIILAY 2019
WASIIRKA HAWLAHA GUUD EE SOMALILAND CABDIRASHIID DUCAALE QAMBI OO SHIRKADAHA DHISMAHA DHALLIILAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiir Qambi oo ka hadlayey munaasibad ay Arday ka baxday kulliyadda Injineerinka ee jaamacadda Hargeysa ay isla hoolka jaamacaddaas ku qabsadeen maalmo ka hor, ayaa sheegay inaanay tayo lahayn dhismayaasha ay hirgeliyaan shirkadaha dalka ka shaqeeyaa, sida lagu baahiyey warbaahinta gudaha ee warka wasiirka soo qaatay.

Ugu horreyn Wasiirka hawlaha guud oo ka hadlaya shirkadaha dhismaha ee dalka ka shaqeeya ee uu tayadooda saluugay, wuxuu yidhi; “Shirkadaha dhismaha ee dalka oo gaadhaya 1500 oo shirkadood ama 200 gaadhaya waxaa ka shaqeeyaa sodoneeyo, kuwaas oo laftirkoodu aanay lahayn qorshe rasmi ah, waxaana halkaas fadhiya shirkada Dhismaha ee Al Najax oo ay Wastaado dhex yuururaan in wax badan la qabtana ay u baahan yihiin.”

Wasiir Qambi oo hadalkiisa sii wata, sida ay hadhwanaagnews baahisay, ayaa intaas raaciyey; “Waxaad arkaysaan aqalo la dhisayo oo ay dhici karto in dadku ay caafimaadkooda ku waayi karaan kuwaas oo aan lahayn meel laga neefsado kuwaas oo aan shuqul ku lahayn qaabkii caafimaadka”

Sidoo kale wasiir Qambi ayaa sheegay inaanay shirkadaha dhismaha ee dalku wada shaqayn “Waxa kale oo jira shirkado dhisme oo dalka jooga kuwaas oo 20% ay shaqeeyaan inta kalana ay magacyo yihiin, Marka wax la dhisayo ee shirkad dhisme ay jirto ee ay wayn tahay dalkana inay wax ka qabato la doonayo waxa la doonayaa inay wadato dhamaan farsamayaqaanada kala duwan ee ay u baahan tahay sida farsamayaqaanka naqshada, ka dhismaha, ka dabka iyo kuwo kaleba.”

Wasiir Qambi ayaa sidoo kale dhaliilay mulkiilayaasha shirkadaha dhismaha oo uu tilmaamay inaanay aqoon lahayn waxaanu yidhi; “Inta badan shirkadaha dhismaha waxa leh nin iskadaa inuu farsamoyaqaan noqdee aan iskuulba galin, nin wastaad ka soo dalacay oo bartay shaqada tooska loo qabto.”

Dhawaaqa ka soo yeedhay wasiirka hawlaha guud, ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay dalka ku soo badanayaan shirkadaha dhismaha ka shaqeeya, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwo dadka qandaraasyada dhismayaasha siiyey qaarkood is haystaan amma ay kaga cabanayaan tayada dhismaha iyo waqtigii lagu heshiiyey in la dhammeeyo iyo weliba dabakac dhanka lacagta ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.