Wiil Yar oo maydkiisu illa shan cisho yaallo Cisbitaalka Hargeysa

Filed under: Wararka |

Hargeysa (Aftahannews)- Wiil yar oo Arday ah ayaa maydkiisa shan cishaba yaalla cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay sagaal jir,isla markaana dhigan jirey dugsiga Ilays ee Hargeysa ayaa maalintii salaasadii gaadhi ku jiidhay magaaladda, nasiib daro illaa sabtidda waxa uu sii ooli doonna cisbitaalka.

Wiilkan ayaan ehel iyo qaraabo lahayn oo uu qaranku ehel u yahay, maadama oo uu yahay caruurta yaraanta lagu helo ee nasiibka u helin waalidkood inay arkaan, haseyeeshee, noloshiisa wiilkan iyo waxbarashiisaba waxa damaanad qaaday hay’ada SOS.

Hay’adaha dawladda oo aan la xidhiidhay waxay noo sheegeen in uu wali baadhitaankiisu socdo, inkastoo agaasimaha cisbitaalka oo aan is ku daynay inaan arrintan wax ka waydiino ka jawaabi waayey telefoonkiisa gacanta.

Sidoo kale, waxay doodi ka taagan tahay cidda la siinayo magta marxuumka, maadaama oo uu hadda xidhan yahay dirawalkii waday gaadhiga jiidhay.

Share Button

You must be logged in to post a comment Login