Nin Jacayl Isu-gubay Iyo Maxkamad Gabadh Ka Furtay Nin Lagu Qasbay

Hargeysa, (Aftahannews)-Arrin aad loo hadal hayo ayaa ka dhacday Laas-caanood ee Xarunta Gobolka sool, kadib markii Xaawa Cabdi Aadan oo 14 jir ah ay Maxkamada degmadaasi ka dacweysay nin Aabaheed  si qasab ah ugu guuriyey.

Ninka ayaa xilliga uu Aabaheed u guurinayay waxa ay aheyd sannadkii 2015kii xilligaas oo ay jirtay Da’da 11 halka ninka loo guuriyey uu isana jiray da’da 30 sanno  taas oo keentay in Gabadha ay ka cararto Hoygii loo geeyey ee Magalada laascaanood, islamarkaana tago magaaladda Hargeysa.

Xaawa Cabdi Aadan oo 14 jir ah ayaa 23kii Bishii la soo dhaafay waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamada Magalada laascaanood, iyada oo ka soo horjeeda ninka ka da’da weyn ee uu aabaheed ku guuriyey,waxaana Maxkamada Maanta oo Khamiis ah ay go’aamisay in uu furo ninka lagu daray oo lagu magacaabo Iftin Cabdi Aadan.

Xaawa Cabdi Aadan oo la hadashay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegtay in dacwada ay u gudbin naceyb ay u qabto Ninka loo guuriyey balse aysan gaadhin da’da guurka, ugu dambeyna ay cadaalada ka heshay Maxkamada laascaanood.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada laascaanood Cumar Sheekh Maxamed Aadan ayaa sheegay in kiiska dacwadaas ay soo gaadhsiisay Xaawa Cabdi Aadan oo ah Gabadh yar kana dacwooneysay ninka qasabka loogu guuriyey,waxana uu sheegay in Gabadha la mehriyey, iyada oo aan qaan gaadhin,sidoo kalena aan lala socod siin.

Dad badan oo ku nool Gobolka sool ayaa aad hadal haya dhacdadaas tan iyo markii ay soo bilaabatay dacwada ay Xaawa Cabdi Aadan u gudbisay Maxkamada, hayeeshee ugu dambeyn Maanta go’aan laga gaadhay.

Dhinaca kale, Qoraal uu bartiisa facebook-ga ku baahiyey weriye Ilyas Cabdi oo ka hawl-gela magaaladda Hargeysa, wuxuu sheegay in magaaladda Hargeysa uu isu-gubay jacayl dartii wiil ka mid ahaa dhalinyaradda magaaladda hargeysa . Qoraalka weriyuhu wuxuu u dhignaa siddan:

“Xaafada aan ka deganahay Hargeysa wiil dhalinyaro ah ayaa isku gubey Gabadh uu jeclaa oo markii uu u sheegtay aan ka ogolaan inay la wado xidhiidhkii. Maanta ayuu wiilkaasi geeriyooday AUN, markii cisbitaalka la dhigay waxaa la ii sheegay inuu Marxuum dalbaday in loogu yeedho gabadhii uu darteed isku gubay.

Markii uu cisbitaalka yaalay waxaa la ii sheegay inay booqan jirtay gabadhu.Ilaahay ha u naxariisto marxuumkaasi waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada hadda madaxa lasoo kacaysa.”Ayuu ku yidhi Qoraalka