Madaxweyne Siciid Deni Oo Ka Hadlay Somaliland Iyo Soomaaliya

Garoowe(Aftahannews):-Maamul goboleedka Puntland ee soomaaliya ayaa codsaday inuu qayb ka noqdo wadda hadalka u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

War murtiyeed laga soo saaray shir ku saabsanaa jihaynta siyaasada maamulka Puntland ee dawlada cusubi la imanayso oo uu gudoominayey madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu soo qaaday qodob taabanaya wadda hadalka mar kale dhawaan u furmaya dawladaha Hargeysa Iyo Muqdisho.

Warka ka soo baxay shirka jihaynta siyaasada maamulka Puntland ayaa qodobka ku saabsan dalabkooda ah inay qayb ka noqdaan wadda hadalada somaliland iyo soomaaliya waxa lagu yidhi sidan “Sida uu qabo dastuurka federaalka ah gorgortan iyo heshiis walba oo saamaynaya dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka a waxa waajib ah in laga qayb galiyo oo uusan ku koobnaan dawlada federaalka ah sidaas darteed Puntland waa inay qayb ka tahay wadda hadal walba oo saamayn ku leh deegaanada Puntland gaar ahaana wadda hadalada u dhaxeeya dawlada federaalka ah iyo maamulka somaliland.”

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa la dhawrayaa jawaabta ay ka bixin doonto codsiga uga yimi maamulka Puntland, iyada oo Somaliland-na mawqifkeedu yahay in wadda hadalka ay la galayso dawlada Soomaaliya.