Maalintii Dhagaxtuurka Dhalinyaradii UFFO oo laga Xusay Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Guud Ahaan Wadanka Somaliland Waxa Maanta Si Balaadhan looga xusay maalinta Dhalinyarada Somaliland, oo ku suntan Maalintii Dhagax tuurka ee dhalinyaradii UFFO 20 February 1982-kii oo maanta ku beegnayd.

Waxa maanata si balaadhan la isugu Soo Baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa taas oo ciidamada kala duwan iyo Waliba arday aad u tiro badan isugu Soo Baxeen Gudaha Wadooyinka Caasimada Hargeysa.

Dhinaca kale waxaa Munaasibad maalintaasi lagu xusayay ay ka qabsoontay Hoteel Ambasador ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno Wasiiro ah, masuuliyiinta Ururka Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo, Aqoonyahan, Dhalinyarao, Haween iyo marti sharaf kale.