Al-Shabaab oo Weerar Xooggan ku Qaadday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Kismaayo iyo Khasaaraha ka dhashay

Kismaayo(Aftahannews):- Dagaalyahannada Al-Shabab, ayaa maanta weerar xooggan ku qaaday saldhig ay ciidammada xoogga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose.

Xooggaga weerarka fuliyay, ayaa lagu soo warramayaa in gawaari walxaha qarxa saaran yihiin ay ku dhufteen albaabka saldhig, ka dibna uu halkaa ka dhacay dagaal xooggan oo saacado socday.

Warbaahinta taabacsan Al-Shabab ayaa sheegtay in xooggaga ururkaasi ay la wareegeen saldhigga, isla markaana ay halkaa ku qabsadeen hub iyo saanad ciidan oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu ka dhashay dagaalka saaka, iyadoo dhaawacyo in ka badan 10 ciidamada la wareeray ah la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Al-Shabab ayaa inta badan beegsata saldhigyada ciidan ee milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana isla saldhiggan ay weerartay bartamihii sanadkii la soo dhaafay.

Ciidamada maamulka Jubaland ayaa todobaadyadan waday guluf colaadeed oo ay ku doonayaan in Al-Shabab ay uga saaraan dhul ka tirsan Jubooyinka, gaar ahaan magaalada Bu’aale.                                Xigasho BBCSomali.com.