Qafaalashadii Mukhtaar Roobow oo Farmaajo Fadhiisatay, Halka lagu Hayo iyo Dawladda oo ka hadashay

MUKHTAAR ROOBOW ABUMAANSUUR OO FARMAAJO MUQIDHO KU XIDHAY 2018
MUKHTAAR ROOBOW ABUMAANSUUR OO FARMAAJO MUQIDHO KU XIDHAY 2018

Baydhabo(Aftahannews):- Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu eedeeyey qafaalashada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Maansuur) oo ka mid ahaa Musharrixiinta Madaxtinnimada Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, kaas oo gelinkii hore ee Khamiistii Maanta ay Ciidammo Itoobiyaan ah oo Hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM qayb ka ahi ka qaateen Madaxtooyada Koonfur-galbeed ee Baydhabo oo lagu shirqoolay, isla markaana diyaarad ku geeyeen Muqdisho.

MUKHTAAR ROOBOW ABUMAANSUUR OO FARMAAJO MUQIDHO KU XIDHAY 2018
MUKHTAAR ROOBOW ABUMAANSUUR OO FARMAAJO MUQIDHO KU XIDHAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la baxay Badbaado Qaran, ayaa si kulul u cambaareeyey Falka Madaxweynaha Soomaaliya oo Ciidammo Ajaaneb ah kaashanayaa ku afduubtay Musharrax Mukhtaar Roobow oo hore uga tirsanaan jiray Al-Shabaab, balse dawladda Soomaaliya isu soo dhiibay 2017-kii.

Xadhigga lagu kacay Sheekh Muqtaar Roobow, ayaa sababay isku-dhac dhex-maray Ciidammada Ammaanka Koonfur-galbeed iyo Kuwa dowladda Soomaaliya halkaas ka jooga, ka dib markii ay taageerayaashiisu ka cadhoodeen xadhigga Musharraxooda ee Itoobiyaanku u soo qafaasheen Muqdisho. Waxaana ku dhintay isku dhacaas dhawr qof, halka ay qaar kalena ku dhaawacmeen.

Mukhtaar Roobow, ayaa diyaarad Ciidan oo ka soo qaadday Baydhabo, waxay gelinkii dambe ee maanta ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee Muqdisho, waxxaana la sheegay in lagu xidhay xarunta Sirdoonka Soomaaliya ee Muqdisho.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha ee federaalka Soomaaliya xadhigga Mukhtar Abu Mansuur, ayey ku sheegtay inuu ku kacay waxyaabo jebinaya Shuruudihii uu la galay dawladda Soomaaliya markii uu ka soo baxay Al-Shabaab ee uu dawladda isu soo dhiibay.

Sidoo kale, waxaa Warkaas Qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya, lagu sheegay in Mukhtar Robow uu billaabay inuu gudaha Baydhabo geliyey Hub iyo Dagaalyahanno. Waxa kale oo ay ku eedaysay inuu abaabulay Ciidan uu ugu talagay handadaad iyo khal-khal gelin dhanka amniga magaalada Baydhabo ah, sidaa daraaddeedna waxay sheegtay dawladdu inay caddahay inuu weli Abuu-maansuur dabada sii hayo fikirkii xagjirnimada ahaa oo aanu weli ka tanaasulin, mar keliyana cambaarayn, sida war-saxaafadeedka dawladda lagu sheegay.

Hase-yeeshee, Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, ayaa ku eedeeyey Dawladda Soomaaliya inay Roobow u xidhay cabsi ay ka qabto inuu ku guulaysto doorashada, maaddaama oo uu ka taageero badan yahay Musharraxiinta kale ee qaarkood dawladdu wadato ee u taagan doorashada Madaxtinnimada Koonfur-galbeed Soomaaliya oo laba jeer dib uga dhacday wakhtigeedii khilaafyada jira iyo farogelinta ay dawladda Farmaajo ku samaynayso awgeed, iyada oo la ogyahay in khilaafkaas iyo farogelintaas dartood uu xataa Madaxweynihii Koonfur-galbeed Shariix Xasan Sheekh Aadan awgii isu casilay toddobaaddo ka hor.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.