Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka noqday Dacwad uu ka gudbiyey Madaxweyne Gaas

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO KA NOQDAY DACWADDII MADAXWEYNE GAAS 2018
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO KA NOQDAY DACWADDII MADAXWEYNE GAAS 2018

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), ayaa ka noqday Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, taas oo salka ku haysay magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland oo madaxwayne kuxigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu magacaabay.

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO KA NOQDAY DACWADDII MADAXWEYNE GAAS 2018
MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO KA NOQDAY DACWADDII MADAXWEYNE GAAS 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdixakiin Camey, ayaa Dacwadda u gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland, balse qoraal ay baahisay Warbaahinta Punltand, ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne ku-xigeenku ka noqday ama ka laabtay dacwaddaas, isla markaana uu ka tanaasulay sii wadisteeda. Warqad qoraal ah oo lagu baahiyey Saxaafadda oo uu ku saxeexnaa Camay, ayuu ku sheegay inuu k anoqday Dacwaddaas, markuu tixgeliyey duruufaha wakhtigan ka jira Puntland.

Hase-yeeshee, illaa hadda ma cadda in Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeen Camay ay ka heshiiyeen khilaafka dhex-taagnaa oo la xidhiidhay magacaabiista Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Madaxtinnimada iyo Baarlamaanka Puntland ka dhacaysa bisha koowaad ee 2019-ka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka midna kama hadal ka noqoshada ama joojinta Dacwaddaas.

Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa hadda hawlahooda shaqo lagu wadaa inay billaabaan, xilli doorashadu u muddaysantay bisha koowaad ee sannadka curanaya oo ay ta madaxweynennimadu qabsoomayso siddeeddeeda haddii Illaahay idmo, halka ay iyaduna jirto Guddi kale oo uu Madaxweyne Ku-xigeenku magacaabay, isagoo markaa qayrul-sharci ku tilmaamay Guddiga Mudane Gaas magacaabay oo uu sheegay inaan lagala tashan, sida uu ku dooday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.