Xildhibaanno Shir-guddoonka Baarlamanka u gudbiyey Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Xildhibaanno Mooshin ka gudbiyey Madaxweyne Farmaajo 2018
Xildhibaanno Mooshin ka gudbiyey Madaxweyne Farmaajo 2018

Muqdisho(Aftahannews):- Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku u gudbiyeen Shir-guddoonkooda oo isna ka qabtay Mooshinkaas, ka dib markii ay ku eedeeyeen in Madaxweyne Farmaajo ku kacay Khiyaano Qaran iyo inuu dhaxal-wareejiyo Dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaanno Mooshin ka gudbiyey Madaxweyne Farmaajo 2018
Xildhibaanno Mooshin ka gudbiyey Madaxweyne Farmaajo 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa kale oo ay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen Xildhibaannada Baarlamaanku inuu sidoo kale isku wadi kari waayey Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf iyo dagaal xooggani ka dhexeeyo wakhtigan, isla markaana uu ku kacay inuu dawlado shisheeye la soo galo Heshiisyo qayrul-sharci ah oo Qarannimada Soomaaliya ka dhan ah.

Haddaba, Xildhibaannadaas Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo iyo waxay dooddoodu salka ku hayso sida ay u sharraxeenba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.