Dahabshiil Group oo Wacdaro ka dhigay Carwada 8-aad ee Ganacsiga Somaliland & Waxay Soo Bandhigeen

DAHABSHIIL GROUP OO WACDARO KA MUUJISAY CARWADA 8-AAD EE GANACSIGA SOMALILAND 2018
DAHABSHIIL GROUP OO WACDARO KA MUUJISAY CARWADA 8-AAD EE GANACSIGA SOMALILAND 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa wacdaro ka muujiyey Carwada 8-aad ee Ganacsiga Somaliland oo maanta Madaxweyne Muuse Biixi si rasmi ah uga furay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaanay Dahabshiil Group u bushaareeyeen Macaamiishooda adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan isticmaala ama doonaya inay hadda isticmaalaan.

DAHABSHIIL GROUP OO WACDARO KA MUUJISAY CARWADA 8-AAD EE GANACSIGA SOMALILAND 2018
DAHABSHIIL GROUP OO WACDARO KA MUUJISAY CARWADA 8-AAD EE GANACSIGA SOMALILAND 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkadaha Dahabshiil oo isugu jira qaybta Baanka caalamiga ah, qaybta Xawaaladaha, qaybta Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel oo adeegyo kala duwan oo is-gaadhsiineed bixisa iyo qaybta Baabuurta casriga ah ee Dahabshiil, ayaa mid waliba adeegyada ay bixiso oo qiimo-dhimis lagu soo sameeyey Bulshada ugu soo bandhigtay Carwada 8-aad ee ka socota Huteel Guuleed.

Haddaba, Masuuliyiinta iyo Hawl-wadeennada Shirkadaha kala duwan ee Dahabshiil Group oo Warbaahinta la wadaagay waxyaabaha ay kaga qaybqaadanayaan Dahabshiil ahaan Bandhigga Carwada Ganacsiga Somaliland ee 8-aad, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.