Dagaal ka dhacay deegaanka Mooyaale

Mooyaale (Aftahannews.com)- Ugu yaraan 7 qof ayaa inta la og yahay ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Kenya iyo Itoobiya.

Ilo ay BBC la xidhiidhay oo deegaanka ku sugan waxay sheegeen in ugu yaraan 13 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Tan iyo shalay ayuu dagaalku socday, waxaana la sheegayaa in ay jiraan guryo iyo xafiisyo weli gubanaya.

Ma jirto cid weli kala dhex gashay, wararkuna waxay sheegayaan inuu dagaalku weli socdo.

Source: BBC SOMALI