Ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya oo Caawiyay Qoysaska ku Barokacay Colaadda Dhumay iyo Dareenka Somaliland

Filed under: Wararka |

Laascaanood(Aftahannews)- Ciidam ka tirsan Liyuu Booliska Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shalay soo galay deegaano ka mid ah gobolka Sool ee Somaliland ayaa maanta deeq caawimo ah oo uu soo diray Madaxweynaha deegaankaasi Mustafe Cagjar u qaybiyay qoysaskii ka soo barakacay colaada deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool.

Ciidamadan ayaa la sheegay in uu hogaaminayay Garaad Kulmiye oo kamid ah wafti ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhinaca kale Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ka hadal wax talaabo ahna ka qaadin ciidamadan Itoobiyaanka ah ee gudaha u soo galay deegaano ka mid ah Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Share Button

You must be logged in to post a comment Login