Waddani iyo UCID oo Si Adag uga Jawaabay Eedaynta Madaxweyne Biixi iyo Mawqifkooda Doorashada

CABDIQAADIR JIRDE MUUSE BIIXI IYO FAYSAL CALI WARAABE
CABDIQAADIR JIRDE MUUSE BIIXI IYO FAYSAL CALI WARAABE

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa eedayn meel weyday iyo wax lagu qoslo ku tilmaamay eedaynta uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi shalay u jeediyey labadaas Xisbi, gaar ahaan Waddani oo uu tilmaamay in doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee loo qorsheeyey bisha 3-aad ee 2019-ka u deldelantay.

CABDIQAADIR JIRDE MUUSE BIIXI IYO FAYSAL CALI WARAABE
CABDIQAADIR JIRDE MUUSE BIIXI IYO FAYSAL CALI WARAABE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Jirde iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa eedayntaas Madaxtooyada iyo faahfaahinta uu bixiyey mar uu shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, waxay ku iftiimiyeen wax badan oo Madaxweynuhu sheegay inaanay sidaas uu u sheegay ahayn.

Waxaanay tilmaameen in Madaxweynuhu doonayo in doorashooyinka aanu qaban oo ay dib u dhacaan, maaddaama oo uu Xisbiga Kulmiye haysto aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Deegaanka iyo Guddoomiyeyaashooda-ba, gaar ahaanna SHirguddoonka Wakiillada oo Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeenba ka soo jeedaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye ee Madaxweynuhu hoggaamiyo.

Haddaba, Warbixin uu Masuuliyiinta Xisbiyada Waddani iyo UCID ku waraystay Weriye Barkhad Maxamuud Kaariye iyo Hadalka Madaxweynuhu ku duray Xisbiyadaas iyo Su’aalaha la weydiiyey waxay ka yidhaahdeen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahannews.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.