Xulka Kenya Oo Xasuuq Ba’an Ku Riday Xulka Itoobiya

Hargeysa, (Sports/Aftahannews)-Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa wada ciyaaray kulan ka tirsanaa isreeb reebka koobka adduunka kaas oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya waxaana ciyaartaas guul gaadhay dalka martida loo ahaa.

Kenya oo kulankii ka horeeyey barbaro 0-0 ah la soo gashay Ethiopia ayaa markaan ku badisay 3-0 waxaana Goolasha u kala dhaliyey Xiddigaha Michael Olunga 23 daqiiqo Eric Johana Omondi 27 daqiiqo iyo Victor Wanyama 67 daqiiqo Rikoore waxaase Xiddiga Tottenham ciyaartaan looga saaray dhaawac muruqa ka soo gaadhay.

 

Wadanka Kenya ayaa Gruubkaan Hogaanka u qabtay kadib markii ay yeesheen 7 dhibcood halka dalka laga badiyey ee Ethiopia uu leeyahay 4 dhibcood Ghana waxa ay leeyihiin 3 dhibcood iyo Sierra Leone oo laga Ganaaxay Cayaaraha oo dhan oo leh 3 dhibcood Kenya ayaana leh Rajada ugu wanaagsan ee ah in ay ka soo muuqdaan koobka Africa 2019.

Khadar Jacayl